Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga

Leicester City ayaa dooneysa inay la soo wareegto daafaca bidix ee Southampton Ryan Bertrand kaasoo 30 sanno jir ah si ay ugu bedelaan daafacooda Ben Chilwell iyadoo 23 jirkaan lala xiriiriyay inuu u wareegayo Chelsea. (Daily Mail

Manchester City ayaa ku adkeysaneysa inay ceshaneyso Leroy Sane kaasoo lala xiriirinayay kooxda Bayern Munich, weli kama aysan quusan inay ka dhaadhiciyaan inuu 24 jirkaan saxiixo qandaraas cusub. (Metro)

Tababaraha kooxda Tottenham Jose Mourinho ayaa la hadlay daafaca garab ee Manchester City iyo Portugal Joao Cancelo oo 25 sanno jir ah si uu uga dhaadhiciyo inuu u wareego Spurs. (El Desmarque)

Inter Milan ayaa dalab furitaan ah oo gaaraya 13 milya ginni ka gudbisay xiddiga Tottenham 27 jirka Christian Eriksen kaasoo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga. (Telegraph)