Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda

Wararkii Ugu Danbeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysa Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Monaco ayaa qarka u saaran inay udhaqaaqdo Sporting’s

Kooxda Monaco ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Marcos Acuna ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga, sida ay qortay A Bola.

Isagoo raadinaya inuu xoojiyo dhanka bidix ee garoonka, kooxda ka ciyaarta Ligue 1 ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo 28 jirka.

Man Utd oo u dhaqaaqeysa Chilwell iyadoo ay City ay Taran kula jirtoo

Manchester United ayaa qarka u saaran inay dalab u dirto daafaca bidix ee kooxda Leicester City Ben Chilwell xagaaga, sida ay qortay Metro.

In kasta oo Brandon Williams uu u soo muuqday ikhtiyaar u ah United xilli ciyaareedkan,

Man City ayaa sidoo kale ceyrsaneysa Chilwell laakiin diyaar uma ahan inay la kulmaan qiimaha Leicester ay ku dooneyso, taasoo ugu yaraan noqon doonta 50 milyan ginni ($ 65m).

Jose Mourinho ayaa rajeynaya inuu soo xero geliyo xiddigii hore ee Spurs bishaan

Tottenham ayaa wadahadalo kula jirta Real Madrid oo ku aadan saxiixa Bale

Kooxda Tottenham ayaa wadahadalo la furtay kooxda Real Madrid oo ay kala soo wareegeyso Gareth Bale bishaan, Daily Express ayaa warinaysa.

Tababaraha Spurs Jose Mourinho ayaa doonaya inuu sii xoojiyo kooxdiisa ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga Janaayo, kooxda ayaana ka dhigtay Bale bartilmaameedkooda ugu sarreeya.

Labada dhinacba waxay horeyba wadahadalo ugu jireen sidii ay ula wareegi lahaayeen boos joogto ah, laakiin xiddiga heerka caalami ee dalka Wales ayaa isbuucii mushaar ahaan u qaata £ 650,000 dhibaato ayaa u ah kooxda Premier League.