Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga LIVE: Bruno Fernandes ,Man Utd, Eriksen oo ku wajahan Barcelona, Chelsea, wararka xanta ah ee Arsenal maanta

Wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga LIVE: Bruno Fernandes ,Man Utd, Eriksen oo ku wajahan Barcelona, Chelsea, wararka xanta ah ee Arsenal maanta
Wararkii Ugu Danbeeyey Ee Wargeysa Qaarada Yurub Ka Qoreen Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Qaarada Yurub.

Kusoo dhawow wararkii ugu dambeeyey suuqa kala iibsiga ee bisha january iyadoo la sheegayo in Bruno Fernandes inuu ka careysiiyay Manchester United iyo Sporting ka dib markii uu ku hakaday Old Trafford.

United iyo Sporting waa ayaa aad ugu kala fog qiimeyntooda bruno fernandes, waxaana wararku ay haatan sheeganayaan in heshiiska gabi ahaanba la joojiyey.

Chelsea ayaan weli ka rajo dhigin saxiixa Moussa Dembele madaama Frank Lampard uu u baaahanyey xidig dhanka weerarka ah.

Crystal Palace ayaa loo soo bandhigay fursad ay kula soo saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe ee xulka Belgium Yannick Carrasco, in kastoo mushaarkiisa uu dhib badan ku keeni karo kooxda crystal palace maadaama uu aad u sareeyo mushaharka laacinkan reer Belgium, Palace ayaa wadahadalo kula jirta kooxda reer China ee Super League Dalian Yifang waxayna isha ku hayaan inay amaah kula wareegaan 26 jirkan, kaasoo isbuucii ka qaata Shiinaha lacag dhan £ 180,000.

Chelsea ayaa dib u fureysa wadahadaladii Dembele.

Chelsea ayaa ka quusan la Moussa Dembele… maadaama uu Frank Lampard si cad ayuu u doonaayo xidigan, wakaalada wararka ee THE SUN ayaa ku soo waramaysa in markan ay chelsea ka go’antay dhamaystirka heshiiska laacibkan reer france.

Arsenal ayaa la sheegayaa inay ku dhowdahay inay u xaiijiso heshiiska Thomas Lemar inta lagu gudo jiro usbuuca soo socda.

Thomas Lemar in action for Atletico Madrid