War Deg Deg ah:- Oo Hada Soo Gaadhay Bahda Malcab.com

War Deg Deg ah:- Oo Hada Soo Gaadhay Bahda Malcab.com
Rasmi:- Waxaa Lagu Dhawaaqay Isku Beega Tartanka Dhalinta Cuslaatay?

Macalinkii Kooxda Heerka Sadexaad Ee Afgal Macalin Khadar Maxamed Abiib Ayaa Malcab u Xaqiijiyey Inuu Ka Tagay Guud Ahaan Nidaamkii Iyo Macalinimadii Kooxdaasi Oo uu Mudo Sagaal Sano ah Ku Soo Dhex Jiray.

Khadar Maxamed Abiib Ayaa Mudadii uu Ku Sugnaa Kooxda Afgal Kula Soo Guulaystay Koobab, Qaarna Final Soo Gaadhiiyey Oo Laga Qaaday Ilaa Hada Oo Labadii Koob Ee u Danbeeyey Garoonka Dhalinta Sida Tartankii Xulka Caasimada Iyo Kan Hada Socda Ee La Farax Walaalkaa Kooxdu La Kulantay Guuldaro Xoogan.

Sagaalkaa Sano Ee Khadar Maxamed Abiib Macalinka Ka Ahaa Kooxda Afgal Waxaa uu Kooxda Noqotay Mid Soo Marta Gobolada Somalilaan Kuna Soo Ciyaareen Kulamo Saaxiibtinimo.

In Kastoo Aanu Macalin Khadar Sheegin Sababta Deg Deg ah Ee Ka Danbaysa Inuu Shaqada Macalinimo Ka Tago Hadana Waxaa La Iswaydiinayaa Maxaa Wakhtigan Ku Soo Beegay Ka Tagista Uu Macalin Khadar Ka Tagay Kooxdii Uu Sagaalka Sano Soo Maamulayey Ama Macalinka u Ahaa.

21-Jamadul Thaani-1441 Sabti By Tayo Qaran AL-AhmåDi.