War Deg Deg ah:- Kooxda Manchester City Ayaa Laga Ganaaxay Laba Xili Ciyaareed Oo Soo Socda?

War Deg Deg ah:- Kooxda Manchester City Ayaa Laga Ganaaxay Laba Xili Ciyaareed Oo Soo Socda?
Hadii Laba Xili Ciyaareed La Ganaaxay Kooxda Man City Waa Maxay Faa'idada Ugu Jirta Kooxda Liverpool?

Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa ganaax laba xili ciyaareed ah gadhka u galayay kooxda Manchester City waxaana kooxda Guardiola laga mamnuucay in ay ka soo qayb galaan tartanka Champions League.

Manchester City ayaa war rasmi ah ka soo saartay xukunka ka soo baxay UEFA ee tartanka Champions League looga ganaaxay.

Kadib baadhitaan waqti dheer qaatay oo ay UEFA ku waday kooxdaha Manchester City ayaa ugu danbayn go’aan rasmi ah laga soo saaray waxaana City lagu soo rogay ganaax lacageed iyo waliba in tartanka Champions League ayna ka qayb gali doonaan.

Go’aanka UEFA ayaa musiibo wayn ku ah kooxda Guardiola ee Manchester City kuwaas oo aan sida ay hadda u taagan tahay ka soo qayb gali doonin Champions League labada xili ciyaareed ee kala ah 2020/21 iyo 2021/22.

Manchester City's Etihad Stadium

War Saxaafadeed ka soo baxay xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa lagu sheegay in Manchester City ay been ka sheegtay xisaabta dakhliga kooxdeeda ee sanadihii 2012 iyo 2016 kii iyaga oo UEFA u gudbiyay dakhli la buun buuxinayay oo ayna kooxdu soo saarin.

Waxaana warka UEFA lagu cadeeyay in marar badan ay Manchester City jabisay sharciga dhaqaale wanaaga Yurub ee Financial Fair Play taas oo keentay in lagu ganaaxay laba xili ciyaareed oo ay Champions League ka maqnaan doonaan iyo 30 milyan yuro oo ganaax lacageed ah.

Waxaa qoraalka UEFA lagu sheegay in City ay xisaabta dakhligeeda ka badbadisay: “Waxay ka badbadiyeen dakhliga shirkadaha ay wada shaqaynta leeyihiin ee akownada iyo xogtii UEFA loo soo gudbiyay intii u dhexaysay 2012 iyo 2016”.

Waxa kale oo Manchester City lagu eedeeyay in muddadii baadhitaanku socday ay la shaqayn waayeen xubinihii UEFA ee baadhitaanka samaynayay.

Hadda Manchester City waxay seegi doontaa labada xili ciyaareed ee soo socda oo ayna ka soo muuqan doonin Champions League waxayna taasi fursad wayn u tahay kooxaha Manchester United, Chelsea, Liecester City, Tottenham, Wolves, Arsenal iyo Sheffield United oo lixda kaalmood ee sare ku tartamaya.