War Deg Deg ah:- Hooyada Dhashay Pep Guardiola Macalinka u Ah Kooxda Man City Ayaa u Geeriyootay Xanuunka Coronavirus?

War Deg Deg ah:- Hooyada Dhashay Pep Guardiola Macalinka u Ah Kooxda Man City Ayaa u Geeriyootay Xanuunka Coronavirus?
War Deg Deg ah:- Hooyada Dhashay Pep Guardiola Macalinka u Ah Kooxda Man City Ayaa u Geeriyootay Xanuunka Coronavirus?

Kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ee Manchester City ayaa shaaca ka qaaday war gilgilay dunida kubadda cagta iyagoo xusay in xanuunka dunidan dhibaatada ku abuurayay muddooyinkii ugu dambeeyay uu kooxdooda sameeyay.

Sky Blues ayaa shaaca ka qaaday in hooyada dhashay tababaraha kooxdooda ee Pep Guardiola ay u geeriyootay maanta xanuunkaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyay heer sarre ka joogay dalka Spain.

Man City ayaa sheegtay inay aad uga murugaysan tahay shaacinta in hooyada Pep oo lagu magacaabi jiray Dolors Sala Carrio isla markaana 82 sano jir ahayd ay maanta kamid noqotay tirada dadka ah ee u geeriyooday Covid-19.

Pep Guardiola's mother dies from coronavirus at the age of 82 ...

“Qoyska Manchester City waa kuwo ka qalbi-jabsan wargelinta geerida maanta ee hooyada Pep Dolors Sala Carrio oo ku geeriyootay Manresa Barcelona kaddib markii laga helay Coronavirus, Waxay ahayd 82 sano jir” Ayaa lagu yidhi warbixinta ay soo saartay Manchester City.

Caabuqan oo ugu horreyn kubadda cagta ku qasbay in gabi ahaanba la hakiyo inta badan tartamadii waaweynaa si lamid ah isku socodkii kala duwanaa ee dadweynaha caalamka.

Manchester City boss Pep Guardiola

Geeridan ayaa ah midii ugu naxdinta badnayd ee ilaa haatan xanuunkaas kasoo gaadha dunida kubadda cagta iyadoo Guardiola uu yahay shaqsigii ugu horreeyay ee caan ah ee uu dhirbaaxay.