Home Wararka Maanta

War Deg Deg ah:- Alle Ha u Naxariistee Ciyaartoygii Hore Ee Soomaaliya Cabdiqaadir Biriq Oo Geeriyooday?

War Deg Deg ah:- Alle Ha u Naxariistee Ciyaartoygii Hore Ee Soomaaliya Cabdiqaadir Biriq Oo Geeriyooday?
War Deg Deg ah:- Alle Ha u Naxariistee Ciyaartoygii Hore Ee Soomaaliya Cabdiqaadir Biriq Oo Geeriyooday?

Waxaa Goor Dhow Malcab Soo Gaadhay Warka Geerida Alle Ha u Naxariistee Cabdiqaadir Maxamed Faarax Oo Caan Ku Ahaa Magaca Biriq Oo Ku Geeriyooday Wadanka Ingiriiska Waxaana Geeridiisa Sababtay Xanuunka Sii Faafaya Ee Coronavirus.

Image may contain: 1 person

Alle Ha u Naxariisto Marxuum Cabdiqaadir Biriq Geeridiisa Oo Aad Uga Naxeen Dhamaan Umada Soomaaliyeed Gaar Ahaana Bahda Ciyaaraha Ayaa Ku Geeriyooday Magaalada Landhan Ee Wadankaasi Ingiriiska.

Didier Drogba Iyo Marxuum Cabdiqaadir Biriq.

Alle Ha u Naxariistee Marxuum Cabdiqaadir Biriq Kaliya Kubada Cagtana Ma Ciyaari Jirin Oo Kaliya Waxaanu Sidoo Kale Saamayn Weyn Ku Lahaa Ciyaaraha Kolayga, Gacanta Iyo Miiska Ee Being.

Image may contain: 1 person

Marxuum Cabdiqaadir Biriq Ayaa Mar uu Sanadkii Hore Ka Hadlaayay Aabaha Dhalay Akram Xasan Cafiif Waxaa uu Yidhi “Xasan Cafiifi Wuxuu Ahaan Jiray Ciyaartoydii Qaranka Soomaaliya iyo Kooxda Horseed Wuxuu Ahaa Weeraryahan Aad Looga Yaqaanay Soomaaliya Waxaana Laga Soo Xushay Ciyaartoydii Ka Soo Jeeday Magaalada Kismaayo Anigana Waxaan Ka Mid Ahaa Dadkii Nasiibka u Yeeshay Inay Ka Soo Barbar Ciyaaraan”

Ciyaartii Finaalka ee Qadar iyo Japan ayuu gool dhaliyay

Marxuum Cabdiqaadir Biriq Waxyaabaha Lagu Xasuusto Waxaa Ka Mid Ahaa Inuu Inta Badan Bulshadiisa La Wadaagi Jiray Taariikhdii Kubada Cagta Ee Ay Soo Mareen Iyo Ciyaartoydii Ay Isku Kooxda Ahaayeen Iyo Kuwii Isku Dalka Ahaayeen.

Ciyaartoydaasi Waxaan Ka Xusi Karaa Alle Ha u Naxariistee Cabdiqaadir Maxamuud Cali “Black” Oo Kooxda Waxool Ahaa Marna Tababare Soo Noqday, Maxamed Cisaan Arete Loona Yaqaanay “Qarxiye” Oo Isku Kooxda Horseed Soo Noqdeen Alle Ha u Wada Naxariisto Dhamaantood Aamiin.

Image may contain: 1 person, smiling

30-Rajab-1441 Salaasa By Tayo Qaran AL-AhmåDi.