Home LA LIGA

War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xidhiidhka Kubbada Cagta Wadankaasi Spain Ee Royal Spanish Football Federation’s Hadaba Muxuu Warkaasi Daaran Yahay?

War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xidhiidhka Kubbada Cagta Wadankaasi Spain Ee Royal Spanish Football Federation's Hadaba Muxuu Warkaasi Daaran Yahay?
War Cusub Oo Ka Soo Baxay Xidhiidhka Kubbada Cagta Wadankaasi Spain Ee Royal Spanish Football Federation's Hadaba Muxuu Warkaasi Daaran Yahay?

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa go’aankii ugu waynaa u gudbiyay UEFA kaas oo la xidhiidha waxa laga yeelayo horyaalka La Liga haddii ay suurtogal noqon waydo in la dhamaystiri karo xili ciyaareedka 2019/2020.

Kooxaha Real Madrid iyo Atletico Madrid ayaa la filayaa in ay noqon doonaan labada kooxood ee inta ugu badan mincaaradka ku noqon doona qorshaha uu madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain u gudbiyay UEFA.

Xidhiidhka kubbada cagta Spain ayaa haddaba UEFA u gudbiyay waxa laga yeelayo xili ciyaareedka La Liga haddii la dhamaystiri kari waayo waxayna sameeyeen qorshaha loogu soo baxayo tartamada Yurub ee Champions League iyo Europa League iyo waliba kaalmaha lagu kala guulaysan doono.

Warkan ayaa naxdin wayn ku noqday kooxaha reer Madrid ee Atletico Madrid iyo Real Madrid iyada oo ay la kulmeen xaalado jaho wareer ah oo ayna si sahlan ku aqbali doonin.

Sida lagu shaaciyay qorshaha uu xidhiidhka kubbada cagta Spain u gudbiyay UEFA waxaa kaalmaha horyaalka La Liga loogu kala guulaysan doonaa sida uu hadda yahay miiska kala saraynta La Liga oo ah (Barcelona, Real Madrid, Sevilla, Real Sociedad).

Waxaana qorshaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ku cadaatay in haddii xili ciyaareedka la dhamaystiri waayo ay Barcelona noqon doonto kooxda koobka la gudoonsiin doono halka Barcelona, Real Madrid, Sevilla iyo Real Sociedad oo hadda afarta kaalmood ee sare ku jiraa ay u soo bixi doonaan Champions League.

Laakiin warka ugu xun ee qorshahani cadeeyay ayaa ah in Real Madrid ay seegi doonto koobka La Liga haddii xili ciyaareedka lagu dhamaystiri waayo waqtiyadii loo qorsheeyay laakiin warka ka sii xun ayaa ah in Atletico Madrid ay seegi doono Champions league haddii kaalmaha hadda lagu jiro wax lagu qaybsado.

Sid xogtan lagu xaqiijiyay kooxaha Getafe, Atletico Madrid ayaa u soo bixi doona Europa League halka Athletic Bibao ay Europa League soo gali doonto haddii ay ku guulaysato Copa Del Rey haddii kale Valencia ayaa booska kale ee Europa League buuxin doonta.

Dhinaca kale madax waynaha maamulka horyaalka La LIga ee Javier Tebas ayaa markiiba falcelin ka sameeyay qorshaha xili ciyaareedka La Liga ee uu xidhiidhka kubbada cagta Spain u gudbiyay UEFA si haddii la dhamaystiri waayo loo qaato sida ay hadda kooxuhu ugu kala sareeyaan La Liga.

Javier Tebas ayaa sheegay in la samayn doono wax walba oo suurtogal ah si xili ciyaareedka loo dhamaystiro si looga dheeraad: ‘in xili ciyaareedka laga dhigo waxba kama jiraan” ama loo adeegsado miiska kala saraynta ee hadda jira balse xalka ugu danbeeya ayaa noqon doona mid muran dhalin kara.

In Atletico Madrid ay Europa League ku dhici doonto iyo in Real Madrid ay koobka La Liga u waayi doonto Barcelona ayaa ah warka ugu wayn ee ka soo baxay qorshaha uu xidhiidhka kubbada cagta Spain u gudbiyay UEFA balse waxaa la sugayaa waxa ay noqon doonto jawaabta UEFA.

Wixii ka soo kordha qorshaha culus ee uu xidhiidhka kubbada cagta Spain u gudbiyay UEFA, waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda isla markaana ay xog cusubi ka soo baxdo.