Home Premier League

War Cusub Oo Hada Ka Soo Baxay Maamulka Horyaalka Premier league Si Loo Dhamaystiro Horyaalkan Oo Hakad Galay Xanuunka Coronavirus Dartii?

Waa Maxay Go'aanka Midaysan Ee 20-Kooxood Ee Horyaalka PL Ka Soo Wada Saareen Baaqyada Dhanka Dhaqaalaha Ee Waaxda NHS?
Waa Maxay Go'aanka Midaysan Ee 20-Kooxood Ee Horyaalka PL Ka Soo Wada Saareen Baaqyada Dhanka Dhaqaalaha Ee Waaxda NHS?

War cusub ayaa laga helay qaabka dhabta ah ee uu maamulka Premier league doonayo in uu ku dhamaystiro xili ciyaareedka horyaalka Premier league ee ay saamaynta cudurka coronavirus baajisay.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa hadba miiska la soo saaray qorshayaal lagu doonayay in lagu dhamaystiro xili ciyaareedka Premier league laakiin hadda waxaa la ogaaday qaabka la doonayo in lagu ciyaaro kulamadii baaqiga ka ahaa xili ciyaareedka 2019/2020.

Horyaalka Ingiriiska ayaa si la mid ah horyaalada Yurub waxa uu go’doon ugu jiraa caabuqa coronavirus kaas oo xili ciyaareedka soo dhex galay markii uu marayay kulamadii 29 aad ee xili ciyaareedkan.

Kooxaha qaar waxaa u hadhsan 10 kulan halka qaar kale ay u baaqi yihiin min 9 kulan waxaana hadda la ogaaday qorshaha dhabta ah ee uu maamulka Premier league ku doonayo in xili ciyaareedka lagu dhamaystiro.

War hadda soo baxay ayaa lagu ogaaday in maamulka Premier league uu qorsheeyay in xili ciyaareedka Premier League kulamada baaqiga ka ah dib loo bilaabo usbuuc dhamaadka ugu horeeya bisha May ee soo socota isla markaana uu dhamaado maalinta axada ee July 12,2020.

Waxa kale oo la xaqiijiyay in maamulka Premieer league uu go’aansaday in dhamaan kulamada xili ciyaareedka baaqiga ka ah lagu ciyaari doono garoomo madhan oo albaabadu u xidhan yihiin.

Xogtan ayaa lagu sheegay: “Premier league waxa uu ka shaqaynayaa qorshe hami leh oo xili ciyaareedka loogu bilaabayo todobaadka ugu soo horeeya bisha May iyada oo garoomada albaabadu u xidhan yihiin waxaana dhamaystirkiisa lagu jadwaleeyay axada July 12”.

Xogtan ayaa la sii raaciyay: “Qorshayaasha waxaa si faah faahsan loogu falanqayndoonaa shirka telefoonka ee jimcaha ay yeelan doonaan 20 ka kooxood, waxaa looga baahan doonaa in dawlada, madaxda caafimaadka dawalada iyo PFA ay soo dhaweeyaan. Laakiin waxaa loo arkaa qaabka ugu wanaagsan ee loo yarayn karo khasaaraha dhaqaale iyo suurtogalnimada sharci ee uu abuuri karo xidhitaanka coronavirus”.

Xogtan ayaa sidoo kale lagu sharaxay sababta dhabta ah ee keentay in May 12 loo qaybtay dhamaystirka kulamada Premier league baaqiga ka ah waana arin sharci oo u dhexaysa maamulka Premier League iyo TV-yada haysta xuquuqda baahinta Premier league.

Sharciga baahinta tooska ah ee TV-yada ee xili ciyaareedkan ayaa la xaqiijiyay in ay dhacayaan July 31 iyada oo isla maalinta ku xigta uu bilaamayo sharciga baahinta tooska ah ee xili ciyaareedka soo socda, taas oo keeni karta in maamulka Premier League iyo kooxuhu ay khasaari karaan 3 bilyan gini haddii ay horyaalka ku dhamaystiri kari waayaan ka hor July 31.

Warkan ayaa farxad wayn u ah kooxda Liverpool oo u baahan laba guulood oo kaliya si ay meesha uga saarto shakiga hadheeyay koobkii ay sida layaabka leh ugu soo dagaalantay xili ciyaareedkan iyada oo haddaba 25 dhibcood hogaanka Premier league ku haysa.

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda si rasmi ah loogu dhawaaqi doono jadwalka cusub ee uu maamulka Premier league u dajiyay in lagu dhamaystiro xili ciyaareedka iyada oo dib u habayn lagu samayn doono baahinta tooska ah ee kulamadii waqtigoodii la soo dhaafay.