War Cusub:- Kulankii Dhex Mari Lahaa Kooxaha Man City Iyo West Ham Oo Dib Loo Dhigay.

War Cusub:- Kulankii Dhex Mari Lahaa Kooxaha Man City Iyo West Ham Oo Dib Loo Dhigay.
Kulankii Dib u Dhacay Ee Kooxaha Man City Iyo West Ham Ayaa Hada La Xaqiijiyey Xiliga La Ciyaari Doono?

Kooxaha Manchester City iyo West Ham United ayaa si wada jir ah u shaaciyay in dib loo dhigayo kulankii ay caawa ku balansanaayeen gegida Etihad Stadium xilli sidoo kale la baajiyay kulamo badan oo Yurub ah.

Man City ayaa ahayd kooxda kaliya ee lixda kooxood ee waaweyn toddobaadkan ka ciyaaraysay xilli kulamada badankoodii laga dhigay usbuuca soo socda.

Sky Blues ayaa isha ku hayay inay 19 kusii koobaan farqiga 22-ka dhibcood ah ee ay ka dambeeyaan kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool.

Si kastaba, Sababta baaqashada kulankan ayaa ah in dabaylo darani ay ka jiraan guud ahaan waqooyiga qaarada Yurub.

Tartanka Premier League:- Kulanka Kooxaha Man City Iyo West Ham?

Dayablahan oo ugu horreynba kasoo bilaabmay badweynta Atlantic ayaa lagu magacaabay “Ciara” waxaana ay ugu dambayn ku dhufteen dalalka waqooyiga qaarada Yurub.

Ilo wareedyo xog ogaal u ah arrimaha cimilada ayaa ka digay in dabaylahani ay keeni karaan duufaanta loo yaqaano Hurricane-ka kuwaas oo saacadii jara 120 Kilometer xilli sidoo kale la filanayo inay roobab xoogani ka da’aan dalalka ay dabaylahani ka jiraan.