Home Premier League

Wakhtigan Ayaa La Qaban Doonaa In Dib Loo Furo Tababaradii Kooxaha Horyaalka Premier League?

Wakhtigan Ayaa La Qaban Doonaa In Dib Loo Furo Tababaradii Kooxaha Horyaalka Premier League?
Wakhtigan Ayaa La Qaban Doonaa In Dib Loo Furo Tababaradii Kooxaha Horyaalka Premier League?

Horyaalka Premier League iyo kuwa kale ee dunida ayaa hakad ku jira, waxaana la ishaaray taariikho kala duwan oo ay suurtogal tahay inay dib u bilaabmaan marka laga reebo waddanka Germany oo si cad u tilmaamay waqti go’an.

Tiro kooxo Premier League ah ayaa u sheegay ciyaratoygooda waqtiga ay dib u bilaabi doonaan tababarka si ay iskugu diyaariyaan kulamada ka hadhsan xili ciyaareedkan oo loo badinayo in bisha June ay noqon doonto xilliga ugu habboon ee la ciyaari karayo.

Kooxahan ayaa la sheegay in laacibiintooda ay ku wargeliyeen in bisha May ee foodda inagu soo haysa ay isku sii diyaariyaan inay kusoo laabtaan garoomada iyagoo go’doon u geli doona tababar khaas ah oo ay jidhkooda ugu soo celinayaan heerkiisii hore kaddib bilo ay fasax ka ahaayeen ciyaaraha oo ay guryahooda ku xannibnaayeen.

Maamulka Premier League ayay ka go’aan tahay in ciyaaruhu dib u bilaabmaan si ay uga baaqsadaan in £750 milyan oo khasaare ah ay kooxuhu galaan, taas oo dhici doonta haddii ciyaaraha dib loo bilaabi waayo oo waliba la dhamaystiri waayo xili ciyaareedka.

Lacagtan ayay kooxuhu ka helayaan telefishannada, laakiin heshiiska ku xidhan ayaa waxa uu dhigayaa in gebi ahaan xili ciyaareedka si buuxda loo dhamaystiro, taas oo muujinaysa in aan markii hore xisaabta lagu darsanin inay dhici karayaan musiibooyin noocan oo kale ah oo garoomada iyo dunidaba albaabada iskugu dhufan karaya.

Go’aanka kooxaha ee ah in dib loo bilaabo tababarka bisha May, waxa caqabad ku noqon karaya ururka ciyaartoyda PFA oo rumaysan in bixitaanka iyo ciyaartoyda oo meel la iskugu keeno ay khatar gelin karayso caafimaadka iyo badqabka laacibiinta, balse shir la qaban doono April 17 ayaa arrintan ay ku gorfayn doonaa,

Sidoo kalena lagaga wada hadli doonaa mushahar dhimis ay ciyaartoydu u sameeyaan kooxahooda, iyagoo Arbacadiina ogolaaday inay qayb ka mid ah mushaharkooda ku caawiyaan waaxda Caafimaadka Britain ee NHS.