Wakhtiga Rasmiga ah Ee uu Dib u Bilaaban Doono Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey?

Wakhtiga Rasmiga ah Ee uu Dib u Bilaaban Doono Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey?
Saddexda Ciyaartoy ee isha Lagu Hayn Doono Marka Ay Ciyaaraha Horyaalka Premier League Furmaan?

Maamulka horyaalka Premier League ayaa go’aamiyey xilliga uu dib u bilaabmayo horyaalka Premier League, kaas oo lagu furi doono ciyaarihii ka baaqday Manchester City, Arsenal, Aston Villa iyo Sheffield United.

Horyaalka Premier League oo horraanta bishii March loo istaajiyey caabuqa Korona, ayey maanta 20 kooxood ee uu ka kooban yahay horyaalka Premier League ay ogolaadeen in dib loo furo ciyaaraha marka ay taariikhdu tahay June 17, maalintaas oo ay dhici doonaan laba ciyaarood oo ahaa  kuwii baaqday markii la ciyaarayay kulamadii finalka Carabao Cup ee Manchester City vs Aston Villa.

Manchester City ayaa la ciyaari lahayd Arsenal maalintii ay Aston Villa isku haleeleen garoonka Wembley ee ay kaga qaadday koobka Carabao Cup, halka ay Aston Villa la ballansanayd Sheffield United, hase yeeshee ciyaarta finalka darteed dib loogu dhigay kulamadan.

Marka ay afartan kooxood ciyaaraan, waxa horyaalka si rasmi ah loogu diiwaangelin doonaa inay dhaceen min 29 ciyaarood oo ay koox walba u hadhsan yihiin 9 kulan, waxaana markaas kaddib bilaabmi doona ciyaaraha hadhsan oo si rasmi ah u bilaabmi doona.

Shaacinta go’aanka waqtiga rasmiga ah ee dib loo bilaabayo kulamada hadhsan ee Premier League ayaa waxa uu ka dambeeyey kulan shalay dhacay oo lagu go’aamiyey in tababarka ay kooxuhu si buuxda u bilaaban karaan, kaas oo loogu ogolaaday in ciyaartoydu ay sidii caadiga ahayd ugu macaamili karaan garoomada dhexdooda.

Go’aankan ayaa waxa uu farxad weyn u yahay Liverpool oo hoggaanka Premier League ku haysa 25 dhibcood oo ay ka sarrayso Manchester City oo ku soo xigta, waxaanay u baahan yihiin kaliya inay helaan lix dhibcood si ay usoo afjaraan taariikhdii madoobayd iyo abaartii soddonka sannadood ka haysatay hanashada Premier League.