Wada Hadalada Ay Kooxda Liverpool Kula Jirto Marcelo Brozovic Ma Noqon Karaa Mid Guul Ku Dhamaada Mise?

Wada Hadalada Ay Kooxda Liverpool Kula Jirto Marcelo Brozovic Ma Noqon Karaa Mid Guul Ku Dhamaada Mise?
Wada Hadalada Ay Kooxda Liverpool Kula Jirto Marcelo Brozovic Ma Noqon Karaa Mid Guul Ku Dhamaada Mise?

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay wadahadalo kula jirta wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Inter Milan ee Marcelo Brozovic sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer Croatia ayaa qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Inter Milan tan ilaa markii uu Antonio Conte tababaraha u noqday kooxda.

Qaab ciyaareedkii xiddigu uu la qaatay xulka qarankiisa Croatia koobkii adduunka ayaa keentay in uu adduunku arko tayadiisa waxana ay Liverpool doonaysaa in ay keento Anfield xagaaga.

Marcelo Brozovic ayuu 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Inter Milan laakiin ilaa haatan heshiis cusub umuu saxiixin kooxda waxana uu dareensanyahay in ay gaadhay wakhtigii uu koox kale ku biiri lahaa.

Wargayska Libero ayaa sheegaya in ay kooxda difaacanaysa champions league ee Liverpool doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Marcelo Brozovic.

Laakiin Inter Milan ayaa doonaysa in ay sii haysato xiddiga kabtanka u noqday dhawrka kulan xilli ciyaareedkan waxana ay doonayaan in ay heshiis cusub ka saxiixdaan.

Heshiiskiisa haatan ayaa lagu bur-burin karaa lacag dhan 52 milyan oo euro waana lacag ay Liverpool bixin karto dhamaadka xilli ciyaareedkan.