Wacdarihii uu Xalay Dhigay Cristiano Ronaldo Ayaa Buuga Taariikhda Gaarka ah Ee Kooxda Juventus Lagu Daray.

Wacdarihii uu Xalay Dhigay Cristiano Ronaldo Ayaa Buuga Taariikhda Gaarka ah Ee Kooxda Juventus Lagu Daray.
Wacdarihii uu Xalay Dhigay Cristiano Ronaldo Ayaa Buuga Taariikhda Gaarka ah Ee Kooxda Juventus Lagu Daray.

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa xalay lagu qoray buugga taariikhda gaarka ah ee Juventus, kaddib markii uu wacdaro ka dhigay ciyaartii Hellas Verona.

Laacibka shanta jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ayaa toddobaadkii hore barbarreeyey rikoodhkii David Trezeguet ee sannadkii 2005, iyadoo uu sagaal ciyaarood oo xidhiidh ah horyaalka waddanka Talyaaniga ee Serie A ka dhaliyey goolal, laakiin waxa rikoodhkaas mid gaar ah ka dhigtay ciyaartii xalay oo uu kulankii 10aad oo xidhiidh ah ugu yaraan hal gool ka dhaliyey.

35 jirkan ayaa dhaliyey goolka hoggaanka u dhiibay Juventus ciyaartii xalay ee Hellas Verona ka hor intii aan laga daba imannin, waxaana uu hadda kabta dahabka ah ee gool-dhallinta ugu tartamayaa 20 gool oo uu magaciisu ku qoran yahay, kuwaas oo uu ku dhaliyey 23 ciyaarood oo uu ciyaaray.

Image result for cristiano ronaldo in juventus

Inkasta oo Cristiano Ronaldo uu samaystay rikoodhkan, haddana kooxdiisa Juventus ayaa la kulantay guul-darro, waxaana goolka Ronaldo ka dambeeyey laba ay la timid Hellas Verona.

Daqiiqaddii 65aad ee qaybtii dambe ayuu Cristiano Ronaldo dhaliyey goolka kaliya ee kooxdiisa, laakiin toban daqiiqadood oo kaliya kaddib ayuu ruug caddaaga Fabio Borini keenay goolka barbarraha u dhaliyey Hellas Verona ka hor  itnii aanu khabiirka Pazzini goolka guusha u dhalinin kooxda garoonkeeda joogtay daqiiqaddii 86aad.

Juventus ayaa hoggaanka horyaalka Serie A waxay ku haysaa 54 dhibcood, waxaanay saddex dhibcood ka horreysaa Inter Milan oo haysata 52 dhibcood laakiin caawa la ciyaari doonta AC Milan.

Si kastaba ha ahaatee, rikoodhka gool-dhalinta Cristiano Ronaldo ayaa sare u kacayay kulamadii ugu dambeeyey xili ciyaareedkan, waxaanu u muuqdaa inuu si dhab ah ula qabsanayo horyaalka Talyaaniga oo fasal ciyaareedkii hore ay ku adkaatay inuu goolashii badnaa ee lagu yaqaanay ka dhaliyo.