Home Premier League

Waakee Difaacii Ugu Adkaa Horyaalka PL Soo Mara Waakan Jamie Redknapp Oo Soo Tiriyey?

Waakee Difaacii Ugu Adkaa Horyaalka PL Soo Mara Waakan Jamie Redknapp Oo Soo Tiriyey?
Waakee Difaacii Ugu Adkaa Horyaalka PL Soo Mara Waakan Jamie Redknapp Oo Soo Tiriyey?

Dood dheer ayaa ka soo jirtay midka uu yahay difaacii dhexe ee abid ugu fiicnaa Premier League laakiin khabiirka Sky Sports ee Jamie Redknapp ayaan wax shaki ah galin difaaca dhexe ee uu arko in uu yahay kan abid ugu fiicnaa Premier league.

Horyaalka Premier League waxaa ka soo ciyaaray difaacyo dhexe oo heer caalami ah waxaana laga xusi karaa Johen Terry, Rio Ferdinand, Nemanja Vidic ilaa Virgil Van Dijk oo hadda ka tirsan kooxda Liverpool.

Jamie Redknapp ayaa tiriyay magacyada difaacyadii ugu fiicnaa ee Premier League soo maray sida Tony Adams, Rio Ferdinand, Nemanja Vidic, John Terry laakiin waxa uu ku dooday in Virgil Van Dijk uu yahay difaacii dhexe ee ugu fiicnaa Premier league.

Jamie Redknapp claims Portsmouth vs Southampton is more ...

Jamie Redknapp ayaa dib u xusuustay hadal uu Jamie Carragher u sheegay markii ay Liverpool lacag 75 milyan gini ah kula soo wareegtay Van Dijk iyo qaabkii uu u sii saadaliyay in xidiga reer Holland uu Liverpool caawinayay.

Jamie Redknapp ayaa yidhi: “Waan xusuustaa ciyaartii aanu Jamie Carragher wada wadnay waxaan u sheegay: ‘Waxay heleen in ay ninkan la soo saxiixdeen haddii kale waxba may sameeyeen”.

Intaas kadib Jamie Redknapp ayaa muujiyay sida uu Van Dijk ugu arko difaacii abid ugu fiicnaa Premier League wuxuuna yidhi: “Isagu waa mid aan la rumaysan karin, laga yaabee in uu yahay difaacii abid ugu fiicnaa Premier league”.

Balse Jamie Redknapp ayaa magacaabay difaacyadii kale ee fiicnaa isaga oo go’aankiisa ku sii adkaystay wuxuuna yidhi: “Waxaa jiray Tony Adams, John Terry, Rio Ferdinand, Nemanja Vidic- aniga ahaan Van Dijk ayaa ah kii ugu fiicnaa ee aan arkay”.

Jamie Redknapp oo sii amaanaya Van Dijk ayaa yidhi: “Aniga ahaan isagu waa ka ugu fiican, waa kii ugu fiicnaa ee aan jiilka Premier league arkay”.