Waakee Ciyaartoyga Musiibada ku Ah Kooxda Chelsea Oo Qaab Ciyaareedkiisu Aadka u Hooseeyo Xili Ciyaareedkan.

Waakee Ciyaartoyga Musiibada ku Ah Kooxda Chelsea Oo Qaab Ciyaareedkiisu Aadka u Hooseeyo Xili Ciyaareedkan.
Waakee Ciyaartoyga Musiibada ku Ah Kooxda Chelsea Oo Qaab Ciyaareedkiisu Aadka u Hooseeyo Xili Ciyaareedkan.

Chelsea ayaa qaadanaysa xilli ciyaareed aan aad u fiicnayn walow marka loo eego in suuqu uu ka xidhnaa xagaagii iyo safkooda da’yarta ah ay soo qabteen shaqo wanaagsan walina ay ku jiraan afarta kaalmood ee ugu sarreeya Premier League.

Sida lagu sheegay xog haatan la helay, Xiddiga musiibada ku ah kooxda tababare Frank Lampard ayaa ah goolhayaha ree Spain ee Kepa Arrizabalaga kaas oo ay Blues sanadkii 2018 ka dhigeen goolhayaha taariikhda kubadda cagta ugu qaalisan.

Kepa ayaa tan iyo markii uu usoo wareegay Blues usoo ciyaaray 84 kulan balse tan iyo wakhtigaas ayuu lasoo kulmayay eedaymo kala duwan iyadoo dadka qaar ay su’aal ka keeneen haddii ay Chelsea markale horumarin ka samayn doonto booskaas.

Xogtii ugu dambaysay ayaa daaha ka qaadaysa in Kepa uu yahay goolhayaha ugu hooseeya heerka badbaadinta marka loo eego dhinaca boqoleyda (Percentage) isaga oo kaliya 55% ka badbaadiyay darbooyinkii uu wajahay.

Goolhayaha Liverpool ee Alisson Becker ayaa ah midka ugu sarreeya xogtan isaga oo haysta 83% oo uu ka badbaadiyay darbooyinkii lagu soo ganay.

Waxa booska labaad soo galay oo kusoo xiga Dean Henderson (75%) oo Sheffield United ka tirsan iyo goolhayayaasha kooxaha Crystal Palace iyo Leicester City ee Vicente Guaita (73%) iyo Peter Schemeicel (73%) oo iyagu saddexaad ah.

Chelsea ayaa dhawaan guuldarro kala soo kulantay Newcastle United oo ay ku booqatay St James Park, Gool uu daqiiqadii ugu dambaysay Magpies u dhaliyay Isaac Hayden ayaa qalbi jabiyay Blues.

Goolkaasi ayaa ahaa mid ay taageerayasha Blues ku eedeeyeen Kepa sababtoo ah in kubaddu ay farahiisa sii taabatay oo uu badbaadin samayn karayay.