Home LA LIGA

Waakee Ciyaartoyga Ka Tirsan Kooxda Real Madrid Ee Laga Helay Xanuunka Coronavirus?

Waakee Ciyaartoyga Ka Tirsan Kooxda Real Madrid Ee Laga Helay Xanuunka Coronavirus?
Waakee Ciyaartoyga Ka Tirsan Kooxda Real Madrid Ee Laga Helay Xanuunka Coronavirus?

Xanuunka faraha baas ku haya dunida kubadda cagta maalmihii ugu dambeeyay ee Coronavirus ayaa halkiisa kasii wada dhibaatooyinka uu ku abuurayo kooxaha iyo horyaalada ugu waaweyn qaarada Yurub.

Coronavirus ayaa markan si rasmi ah uga dhex qarxay kooxda Real Madrid oo kamida kuwa ugu magaca weyn dunida balse nasiib wanaag xiddiga uu haleelay ee lagu sheegay ayaan ahayn mid ka tirsan kooxda kubadda cagta.

Real ayaa shaacisay in xiddig ka tirsan kooxdeeda kubadda kolayga (Basket Ball) uu ku dhacay xanuunkani iyadoo ay arrinta dhibaatada weyn abuuraysa ee xiddigo badan xanuunka gaadhsiinaysaa ay tahay in xiddigaha kubadda cagta iyo kuwa kubadda kolayga ee kooxdaasi ay hal meel kuwada tababartaan gaar ahaan GYM-ka.

Sidaasi darteed dhammaan xiddigaha Real Madrid haddii ay yihiin labada kooxood ee kubaddaha kala duwan iyo shaqaalahooda ayaa mudo 14 maalmood ah ku xanibnaan doona oo karantiil ku ahaan doona guryahooda.

Los Blancos ayaa labadaas toddobaad saddex kulan ugu jireen qorshaha kuwaas oo kala ah Eibar iyo Valencia oo horyaalka ah iyo waliba kulanka lugta labaad ee UEFA Champions League ee Manchester City ay ku booqanayeen Etihad Stadium.

Walow aan wali war rasmi ah la haynin, Haddana kulamadaas ayay u badnaan doontaa in dhammaantood dib loo dhigo kaddib dhibaatadan soo shaac baxday.