Waakan Weeraryahanka Ay Kooxda Man United Doonayso?

Waakan Weeraryahanka Ay Kooxda Man United Doonayso?
Waakan Weeraryahanka Ay Kooxda Man United Doonayso?

Kooxda Man United ayaa wadahadalo la bilowday wakiilada xiddiga Islam Slimani si ay xiddiga dib ugu soo celiyaan premier League sida ay sheegayaan wararku.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa si aad ah u doonaya weeraryahan cusub kadib dhaawacii soo gaadhay Marcus Rashford kaas oo muddo 2 bilood ah garoomada ka maqnaan doona.

Kooxda Man United ayaa doonaysay in ay la soo saxiixato xiddiga Edison Cavani laakiin xiddiga reer Uruguay ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Atletico Madrid.

Slimani ayaa noqday dookh u jaban Man United waxana uu haatan amaah ugu joogaa kooxda Monaco isaga oo kaga maqan Leicester City.

Image result for Islam Slimani

Wargayska RMC Sport ayaa sheegaya in ay Man United wadahadalo la qaadatay wakiilka xiddiga iyaga oo ku wargaliyay xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga iyo waliba in ay doonayaan saxiixa xiddiga ka hor inta uuna xidhmin suuqa January.

Wargayska France Fooball ayaa dhankiisa sheegay in uu Slimani si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku laabto premier Leageu kuna biiro Man United bishan.