Waakan Liiska Ciyaartoyda Horyaalka Premier League Sida Xorta Ama Amaahda Uga Tagi Kara Kooxahooda Bilaha Soo Socda?

Waakan Liiska Ciyaartoyda Horyaalka Premier League Sida Xorta Ama Amaahda Uga Tagi Kara Kooxahooda Bilaha Soo Socda?
Waakan Liiska Ciyaartoyda Horyaalka Premier League Sida Xorta Ama Amaahda Uga Tagi Kara Kooxahooda Bilaha Soo Socda?

Xili ciyaareed kastaaba marka uu dhamaad ku soo dhaw yahay waxaa la tiriyaa liiska ciyaartoyda sida bilaashka ah ama xorta ah kaga bixi kara kooxaha kubbada cagta gaar ahaan kooxaha waa wayn.

Xagaaga innagu soo socda, marka ay bisha June noqoto 1, waxa furmi doono suuqa iibka ciyaartoyga oo naadiyada u ogolaan doona inay lasoo saxeexdaan xiddigaha ay u baahan yihiin, si ay iskugu diyaariyaan xilli ciyaareedka xiga oo ay sare uga kacaan heerkii ay fasal-ciyaareedkan taagnaayeen.

Laakiin dhinaca kale, waxa kooxaha ka bixi doona laacibiin ay amaah kusoo qaateen markii hore iyo ciyaartooyo si xor ah u tegi doona oo uu dhamaaday heshiiskii ay ku joogeen naadiyadooda.

Laacibiinta sida xorta ah ku tegaya, waxay ka kooban yihiin kuwo iska diiday inay heshiiska u kordhiyaan kooxahooda iyo kuwo aan loo soo bandhigin in qandaraas cusub ay saxeexaan.

Lixda kooxood ee ugu waaweyn horyaalka Premier League, dhamaantood waxa ka tegi doona ciyaartooyo badan, laakiin waxa jira laacibiin wada-hadal kula jira naadiyadood ay suurtogal tahay inay qalinka u qaataan qandaraas cusub.

Kooxda kubadda cagta Chelsea, waxa June 30, 2020 si xor ah uga bixi doona haddii inta ka horreysa aan arrinta la xallinin laacibiin muhiim ah oo uu ugu horreeyo garabka reer Brazil ee Willian oo naadiyo badan raadinayaan. Sidoo kale, Pedro, Caballero, Giroud iyo Marco van Ginkel ayaa ka dhaqaaqi doona.

Manchester City waxa ka bixi doona laba laacib, naadiga ay isku magaalada yihiin ee Manchester United waxa iyaguna ay isku diyaarinayaan inay macasalaameeyaan saddex ciyaartoy, waxaanay isku mid yihiin Liverpool iyo Arsenal.

Halkan ka akhriso liiska ciyaartoyga koox kasta oo horyaalka Premier League ah ka tirsan oo heshiiskiisu dhamaanayo June 30?

Kooxda AFC Bournemouth

Simon Francis

Artur Boruc

Andrew Surman

Charlie Daniels

Ryan Fraser

Jordan Ibe

Jack Simpson

Harry Wilson (Amaah ku egg May 30)

Kooxda Arsenal

Pablo Mari (amaah)

Matt Macey

Dani Ceballos (amaah)

Kooxda Aston Villa

Pepe Reina (amaah)

Danny Drinkwater (amaah)

Borja Baston

Matija Sarkic

Keinan Davis

Kooxda Brighton and Hove Albion

Beram Kayal

Ezequiel Schelotto

Kooxda Burnley

Aaron Lennon

Phil Bardsley

Joe Hart

Adam Legzdins

Ashley Westwood

Robbie Brady

Jeff Hendrick

Kooxda Chelsea

Willy Caballero

Willian

Pedro

Olivier Giroud

Marco van Ginkel

Kooxda Crystal Palace

Stephan Henderson

Scott Dann

Kooxda Everton

Maarten Stekelenburg

Leighton Baines

Cuco Martina

Djibril Cisse (amaah)

Oumar Niasse

Kooxda Leicester City

Eldin Jakupovic

Christian Fuchs

Wes Morgan

Nampalys Mendy

Kooxda Liverpool

Andy Lonergan

Adam Lallana

Nathaniel Clyne

Kooxda Manchester City

David Silva

Claudio Bravo

Kooxda Manchester United

Odion Ighalo (amaah)

Nemanja Matic

Timothy Fosu-Mensah

Kooxda Newcastle United

Rob Elliott

Andy Carroll

Danny Rose (amaah)

Jack Colback

Karl Darlow

Jetro Willems (amaah)

Javier Manquillo

Valentino Lazaro (amaah

Nabil Bentaleb (amaah)

Jamie Sterry

Matthew Longstaff

Kooxda Norwich City

Ondrej Duda (amaah)

Kooxda Sheffield United

Phil Jagielka

Leon Clarke

Jack Rodwell

Ricky Holmes

John Lundstram

Kieron Freeman

Richairo Zivkovic (amaah)

Panagiotis Retsos (amaah)

Mohamed Besic (amaah)

Dean Henderson (amaah)

Kooxda Southampton

Kyle Walker-Peters (amaah)

Kevin Danso (amaah)

Shane Long

Kooxda Tottenham Hotspur

Japhet Tanganga

Jan Vertonghen

Michel Vorm

Kooxda Watford

Ben Foster

Heurelho Gomes

Adrian Mariappa

Jose Holebas

Daniel Bachmann

Kooxda West Ham United

Pablo Zabaleta

Carlos Sanchez

Tomas Soucek (amaah)

Kooxda Wolverhampton Wanderers

John Ruddy

Phil Ofusu-Ayeh

Bright Enobakhare

Max Kilman

Enzo Loiodice (amaah)