Waakan Laacibkii La Gudoonsiin Lahaa Abaal Marinta Shakhsigii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedka Horyaalka Premeir League?

Waakan Laacibkii La Gudoonsiin Lahaa Abaal Marinta Shakhsigii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedka Horyaalka Premeir League?
Waakan Laacibkii La Gudoonsiin Lahaa Abaal Marinta Shakhsigii Ugu Fiicnaa Xili Ciyaareedka Horyaalka Premeir League?

Caawa waxaa la qaban lahaa xaflada sanad laha ah ee horyaalka Premeir League ugu wayn taas oo lagu bixiyo abaal marinaha shaqsiga ah ee xili ciyaareedka ugu fiican balse saamaynta coronavirus ayaa keentay in waqtigiisii la badalay oo aan caawa sidii caadadu ahayd xaflada loo golayn doonin.

Caawa oo kale abaal marinaha ugu muhiimsan ee la bixin lahaa waxaa ka mid ah abaal marinta xidiga sanadka ee horyaalka Premier league ugu fiicnaa xili ciyaareedkan waxaana sidoo kale abaal marinaha la bixin lahaa ka mid ahaa da’yarka sanadka ee Premeir League ugu fiicnaa.

Haddaba waxaa xog lagu muujiyay ciyaartoyda caawa xaflada sanadka ee Premeir League ay qaar ka mid ahi abaal marinaha ku gudoomi lahaayeen ee ah tartamayaasha abaal marinta xili ciyaareedkan ee Premeir League.

Shan ciyaartoy oo ka mid ah siddeeda xidig ee ugu cad cad abaal marinta ciyaartoyga sanakan ugu fiicnaa Premier Leauge waxay ka soo jeedaan kooxda hogaanka 25ka dhibcood ku haysa ee Liverpool hala laba xidig ay Man City matalaayaan waxaana soo raaca ciyaartoy kaliya oo Leicester City ka tirsan.

Saadaasha ugu badan ee xili ciyaareedkan ee xidiga sanadka ee Premeir League ugu fiicani waxay ku ururtay afar ciyaartoy oo ay saddex ka mid  ahi Liverpool yihiin waxayna kala yihiin Sadio Mane, De Bruyne, Van Dijk iyo Jordan Henderson.

Haddaba halkan kaga bogo siddeeda ciyaartoy ee caawa xafladii baaqatay ku tartami lahaa ee loo arko in uu ka soo dhex bixi doono guuulaystaha abaal marinta xidiga sanadka ee Premeir League ugu fiican.

8-Jamie Vardy -Leicester City-26 kulan,19 gool, 4 gool caawin.

7-Sergio Aguero-Manchester City -22 kulan,16 gool, 3 gool caawin.

6-Trent Alexander-Arnold- Liverpool- 29 kulan, 12 gool caawin, 12 kulan oo shabaqa nadiif ah

5-Mohamed Salah -Liverpool-26 kulan,16 gool, 6 gool caawin.

4-Virgil Van Dijk-Liverpool -29 kulan, 12 kulan oo shabaq nadiif ah iyo 2478 kun oo baas bixineed.

3-Kevin De Bruyne- Man City- -26 kulan,16 gool, 1470 kun oo baas.

2-Jordan Henderson- Liverpool–25 kulan, 5 gool caawin, 1560 kun oo baas

1-Sadio Mane- Liverpool-26 kulan,14 gool, 7 gool caawin.

Labadii xili ciyaareed ee la soo dhaafay abaal marinta xidiga sanadka waxaa la gaynayay Anfield iyada oo Mohamed Salah iyo Van Dijk ay ku soo guulaysteen waxaana la sugayaa haddii xili ciyaareedkii saddexaad oo xidhiidh ah ay abaal marintani aadi doonto Liverpool.