Waakan Boga Twitter Ee Kooxda Barcelona Oo Dhankiisa Cadeeyey Soo Laabashada Neymar Ee Kooxda?

Waakan Boga Twitter Ee Kooxda Barcelona Oo Dhankiisa Cadeeyey Soo Laabashada Neymar Ee Kooxda?
Waakan Boga Twitter Ee Kooxda Barcelona Oo Dhankiisa Cadeeyey Soo Laabashada Neymar Ee Kooxda?

Bogga Twitter ee kooxda Barcelona ayaa goor dhaweyd lagu soo qoray qoraal lagu shaacinayo in Neymar uu dib ugu soo laabanayo kooxda, iyadoo Barcelona ay durbadiiba masaxeen fariinta islamarkaana soo saaray warbixin rasmi ah oo ay uga hadlayaan sida ay wax u dhaceen.

Fariinta la soo dhigay bogga Twitter ee FC Barcelona ayaa u qornaa sida tan: “Hi, waxaan nahay OurMine. Waxaan akhrinay qaar ka mid ah fariimaha kooxaha, waxayna u muuqataa in Neymar uu halkaan ku soo laaban doono.”

Qeybta Carabiga ee bogga Twitter ee Barcelona ayaa isna lagu soo qoray fariin ay la yaabeen jamaahiirta taasoo aheyd: Ha baxo Bartomeu. Iyadoo si qaldan xitaa loo qoray magaca madaxweynaha Barcelona.

Daqiiqado ka dib Barcelona ayaa fariintaan ka masaxday akoonkeeda, waxayna soo saareen warbixin rasmi ah oo ay ku sharaxayaan sida ay wax u dhaceen

“Akoonka FC Barcelona wa la jabsaday waana sababta fariimaha ka baxsan kooxdeena ay u soo muuqdeen. Wargelin ayaa sameynay, waana masaxnay. Fariimaha waxay ka yimaadeeen aalad seddexaad oo inoo taxliilisa xogta.

“FC Barcelona waxay sameyn doontaa baaritaan la xiriira amaanka akoonadeena, waxaan dib u eegi doonaa aaladaha aan isticmaalno si aan uga fogaano inay tan oo kale dhacdo. Raaligelin ayaan ka bixineynaa.”