Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Soo Gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois Ee Kooxda Real Madrid.

Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Soo Gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois Ee Kooxda Real Madrid.
Waa Sidee Xaalada Dhaawac Ee Soo Gaadhay Goolhaye Thibaut Courtois Ee Kooxda Real Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa xalay la kulantay guuldaro xanuun badan waxayna sabab iskugu noqdeen in ay lumiyeen hogaankii La Liga ee ay la wareegeen kulankii El Clasico-da ee ay Barcelona guusha ka gaadheen.

Laakiin guuldaradii xalay Real Madrid ka soo gaadhay kooxda Real Betis waxay markale Zidane ku abuurtay walaac cusub kadib markii uu dhaawac soo gaadhay goolhaye Thibaut Courtois.

Dhamaadkii kulankii Real Betis waxaa la arkayay goolhaye Thibaut Courtois oo dhaawacmay isla markaana ay bawdada lugta bidix u duuban tahay, waxayna Madrid xidiga reer Belgium ku samaynaysaa baadhitaano kala duwan.

Laba todobaad oo isku xiga ayay Real Madrid marba xaalad ku jirtaa iyada oo fursadii hogaaminta La Liga si deg deg ah ugu lumisay kooxda ay xifiltamaan ee Barcelona.

Goolhaye Thibaut Courtois ayaa la filayaa in uu gabi ahaanba seegi doono kulanka Jimcaha ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Eibar waxa kale oo uu shaki ku jiraa haddii uu taam u noqon karo kulanka Man City.

Wargaysyada ugu caansan dalka Spain ee dhinaca Sportska ayaa shaaciyay in goolhaye Courtois uu dhaawac qabo isla markaana ay Real Madrid baadhitaan ku samaynayso si loo ogaado inta uu leeg yahay dhaawac ku soo gaadhay kulankii Rea Betis.

Wargaysyada AS iyo Marca ayaa shaaciyay in goolhaye Thibaut Courtois uu dhaawac qabo isla markaana uu seegi doono kulanka Eibar waxayna intaas raaciyeen in goolhayaha reer Belgium uu shaki ku jiro in uu diyaar u noqon karo kulanka adag ee Man City.

Real Madrid waxay jimcaha la ciyaari doontaa kooxda Eibar kulan ka tirsan horyaalka La Liga laakiin waxaa maskaxdooda ku wayn kulanka Etihad Stadium ee ay ku go’aamin karaan in ay Champions League ku sii jiri karaan iyo in kale.

Real Madrid waxay guuldaro 2-1 ah Bernabeu kagala kulantay kooxda Manchester City kulankii lugtii hore ee wareega 16ka kooxood ee Champions League, waana guuldaro uu Zidane doonayo in uu ku saxo Etihad Stadium marka ay Man City booqdaan.

Laakiin haddii uu goolhaye Thibaut Courtois taam u noqon waayo kulanka Manchester City waxaa hubaal ah in Madrid ay lumin doonto xidig qaab ciyaareedkiisii ugu fiican ku jiray oo kulamo badan oo adag ka soo saaray.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in ay hadda hubaal noqonayso in goolhaye Alphonse Areola uu shaxda Zidane ku soo bilabaan doono kulanka Eibar si aan Courtois wax halis ah loo galin xataa haddii ay xaaladiisu tahay mid aan sii xumayn.

Thibaut Courtois ayaa ku jiray xaaladiisii ugu fiicnayd ee waayihiisa ciyaareed ee Real Madrid isaga oo waliba si wayn iskugu soo muujiyay kulankii Barcelona ee El Clasico-da.

Si kastaba ha ahaatee, Thibaut Courtois ayaa hadda ku jira xaalad taam la’aan ah waxaana la sugayaa in saacadaha soo socda la helo xogta rasmiga ah ee baadhitaanada lagu sameeyay.