Waa Sidee Warbixinta Uu Qoray Wargeyska Evening News Ee Ku Saabsan Kooxda Manchester City.

Waa Sidee Warbixinta Uu Qoray Wargeyska Evening News Ee Ku Saabsan Kooxda Manchester City.
Waa Sidee Warbixinta Uu Qoray Wargeyska Evening News Ee Ku Saabsan Kooxda Manchester City.

Wargeyska Manchester Evening News oo shaaca ka qaaday liiska xiddigaha Manchester City ee kulanka Tottenham ee caawa ayaa xusay magacyada saddex xiddig oo hal-bawle u ah City balse kulankaas gabi ahaanba seegaya.

Saddexda xiddig ee laga dhex waayay liiska xiddigaha City ee kulanka caawa ayaa kala ah Aymeric Laporte, John Stones iyo Benjamin Mendy oo dhammaantood ka ciyaara boosaska daafaca ee ay City baahida ugu weyn ka qabto.

Saddexdan xiddig ayaysan qaban kaameradaha Manchester Evening News oo si dhaw ula socday xiddigaha Man City ee u safrayay Tottenham Hotspur Stadium.

Image result for man city

Dhawaan ayay ahayd markii uu Pep Guardiola sheegay in Laporte uu ka cabanayay daal walow uu dhawaan uun soo laabtay isaga oo seegay kulamadii Fulham iyo Manchester United.

Pep ayaa intaas ku daray in Laporte tijaabo la marin doono kahor kulanka City halka Mendy qudhiisa oo seegay labadii kulan ee u dambeeyay aan la filayn inuu kulankan kasoo muuqdo balse loo badinayo inuu qayb ka noqdo kulanka West Ham ee toddobaadka dambe.

Dhinaca kale John Stones ayaa ahaa mid marna lagu soo daro marna laga reebo ciyaartoyda kooxdiisa kulamadii ugu dambeeyay isagoo keydka ku bilawday kulankii Manchester Derby ee Arbacadii.

Daafaca reer England oo kulankaas bedel ku yimid sidoo kalena lagu sawiray tababarka kooxdiisa ayaan kusoo bixin liiskan.

Liiska Manchester City ee Kulanka Tottenham Oo Dhammaystiran

Goolhayayasha: Ederson, Bravo, Carson

Daafacyada: Garcia, Cancelo, Fernandinho, Otamendi, Zinchenko, Walker

Khadadka Dhexe: Gundogan, De Bruyne, Phoden, Rodri, Silva

Weerarka: Aguero, Jesus, Sterling, Mahrez, Bernardo