Waa Sidee Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Ee Kooxda Arsenal Waakan Mikel Arteta Oo Ka Hadlaya?

Waa Sidee Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Ee Kooxda Arsenal Waakan Mikel Arteta Oo Ka Hadlaya?
Waa Sidee Mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang Ee Kooxda Arsenal Waakan Mikel Arteta Oo Ka Hadlaya?

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa qirtay in uu rajaynayo in uu Pierre-Emerick Aubameyang sii joogi doono Arsenal wixii xilli ciyaareedkan ka dambeeya kadib gool dhalintii ugu dambaysay ee xididga.

Xiddiga 30 jirka ah ayaa laba gool dhaliyay kulankii ay Arsenal garaacday kooxda Everton isaga oo Gunners ku hogaamiyay guul soo laabasho leh oo 3/2 ah.

Xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang ayaa haatan hogaaminaya gool dhalinta premier League isaga oo dhaliyay 17 gool ilaa haatan horyaalka premier League.

Heshiiska Pierre-Emerick Aubameyang ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana haatanba lala xidhiidhinayaa kooxo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Inter Milan.

Arsenal striker Pierre-Emerick Aubameyang

“Way ku sax-sanyihiin in ay doonaan saxiixiisa sababta oo ah waa xiddig cajib ah”ayuu Arteta yidhi markii wax laga waydiiyay mustaqbalka Pierre-Emerick Aubameyang.

“Wuu u qalmaa in lala xidhiidhiyo kooxaha kale laakiin waxa aan rajaynayaa in aan ku qancino in uu joogo meesha saxda ah ee mustaqbalkiisa”.

“Waan ku faraxsanahay goolasha uu dhalinayo sbabta oo ah waa goolal muhiim noo ah sidoo kale waa kabtankeeda 1-aad”.