Waa Sidee Mustaqbalka David Alaba Ee Garoonka Allianz Arena?

Waa Sidee Mustaqbalka David Alaba Ee Garoonka Allianz Arena?
Waa Sidee Mustaqbal David Alaba Ee Garoonka Allianz Arena?

Difaaca kooxda Bayern Munich ee David Alaba oo lagu tilmaamo difaacyada bidix ee aduunka ugu fiican ayaa hadal soo jiitay kooxaha Premier League waxa uu shaki ku galayay mustaqbalkiisa Allianz Arena.

David Alaba ayaa waqtiyo badan lala xidhiidhinayay kooxaha waa wayn ee Yurub gaar ahaan kuwa Premier league laakiin waxa uu hadda qirtay in uu dhamaadka xili ciyaareedkan iman karo Premeir League.

David Alaba oo tan iyo carruurnimadiisii taageeri jiray Arsenal ayaa gali doona 12 kii bilood ee heshiiskiisa Bayern Munich ugu danbeeyay marka uu xili ciyaareedkani soo dhamaado.

Waraysi uu David Alaba siiyay wargayska The Times ayuu ku sheegay in uu si fiican ula socdo Premier League isla markaana uu taageere u soo ahaa kooxda Arsenal.

David Alaba oo ka hadlaya mustaqbalkiisa ayaa yidhi: “Waynu arki doonaa. Anigu waxaan si aad u fiican u aqaan Premeir League, sababtoo ah waxaan in badan la socday markii aan carruurta ahaa”.

David Alaba oo ka hadlaya sida uu Arsenal u soo taageeri jiray ayaa yidhi: “Waxaan soo taageeray Arsenal. Patrick Vieira waxa uu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda aan jeclaa”.

“Waqti xaadirka wax aad u badan kama fikiro laakiin waxaan qiyaasi karaa in aan ka ciyaaro meel kale oo halkaas ah” ayuu David Alaba ku qirtay in uu Premier League soo aadi karo.

Kooxaha La Liga ee Barcelona iyo Real Madrid ayaa waqti dheer lala soo xidhiidhinayay David Alaba kuwaas oo markale la filayo in ay ku soo rogaal celin karaan xidigan.

Tiyada 27 sano jirkan ayaa ah mid si wayn u soo jiidan karta kooxaha waa wayn ee Premier league kuwaas oo qish fiican ka sii helay mustaqbalka Alaba.