Home Premier League

Waa Sidee Dhaawacyada Soo Gaadhay Willian iyo Mateo Kovacic Waakan Macalinkooda Frank Lampard Oo Ka Hadlaaya?

Waa Sidee Dhaawacyada Soo Gaadhay Willian iyo Mateo Kovacic Waakan Macalinkooda Frank Lampard Oo Ka Hadlaaya?
Waa Sidee Dhaawacyada Soo Gaadhay Willian iyo Mateo Kovacic Waakan Macalinkooda Frank Lampard Oo Ka Hadlaaya?

Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea, Frank Lampard ayaa ka hadlay dhaawacyadii xalay soo gaadhay xiddigihiisa khadka dhexe ee Willian iyo Mateo Kovacic oo laga saaray qaybtii hore ee kulankii FA Cup ay 2-0 ku karbaasheen Liverpool.

Kovacic ayaa la saaray daqiiqaddii 42aad markii ay isku dhaceen Sadio Mane, waxaana lagu soo beddelay Mason Mount, hase yeeshee, Willian oo dhaliyey goolka koowaad ee kooxdiisa, ayaa isagana la beddelay lix daqiiqadood oo kali ah markii ay socotay qaybta labaad, waxaana booskiisa yimid Jorginho oo shaqo wanaagsan ka qabtay khadka dhexe.

Frank Lampard oo ka hadlay dhaawacyadan markii ay ciyaartu dhamaatay, ayaa waxa uu sheegay in ay kala fudud yihiin oo midkood uu sii daran yahay, halka kan kalena uu xoogaa yara sahlan yahay.

“Labadaba waxay wax ka gaadheen Kuraanta. Waxaanse rajaynayaa in Willian aanu aad u ba’nayn sida warbixinta lagu siiyey laakiin waxaan eegi doonaa berri. Kovacic ayaa dareemayay xoogaa xumaan ah. Aynu rajayno in aanay halis noqonin, waanaynu eegi doonaa.” Ayuu yidhi Lampard.

Dhaawacyada labadan ciyaartoy, waxay halis ku tahay Frank Lampard oo ay kusoo fool leeyihiin ciyaaro xaasaasi ah oo ay Blues u baahan tahay inay guulo ka keento si ay ugu dagaallanto kaalinta afraad ee  horyaalka Premier League oo ay hadda kusoo daba-shidayaan Manchester United, Tottenham iyo Wolves.

Jorginho ayaa ganaax kaga maqnaan doona labada kulan ee soo socda ee Everton iyo Aston Villa kaddib markii uu gaadhay 10 kaadh oo ganaax ah, halka N’Golo Kante uu wali la halgamayo dhaawac.

Kulanka Champions League ee lugta labaad ay Bayern Munich ugu tegayaan Allianz Areana marka ay taariikhdu tahay March 18 ayay Blues ku yaraan doontaa doorashooyinka khadka dhexe maadaama lugtii hore iyagoo jooga Stamford Bridge lagu karbaashay 3-0.