Waa Qiimahee Lacagta Uu Ku Iibsan Karo Kooxda Arsenal Ninka Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Ee Aliko Dangote Waakan Isagoo Ogaaday Arinkaasi?

Waa Qiimahee Lacagta Uu Ku Iibsan Karo Kooxda Arsenal Ninka Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Ee Aliko Dangote Waakan Isagoo Ogaaday Arinkaasi?
Waa Qiimahee Lacagta Uu Ku Iibsan Karo Kooxda Arsenal Ninka Ugu Taajirsan Qaarada Afrika Ee Aliko Dangote Waakan Isagoo Ogaaday Arinkaasi?

Aliko Dangote oo ah ninka ugu taajirsan qaaradda Afrika ayaa ogaaday qiimaha uu ku iibsan karayo kooxda kubadda cagta Arsenal oo sannado badan lala xidhiidhinayey.

Bilyaneerkan u dhashay waddanka Nigeria ayaa hore u sheegay inuu doonayo in uu iibsato kooxda ka dhisan woqooyiga London, si ay qayb uga noqoto ganacsigiisa oo uu jihooyin cusub u samaynayo, hase yeeshee waxa mar walba xogo kala duwan kasoo baxayeen qiimaha suurtogalka ah ee uu ku heli karayo.

Dangote waxa la sheegay in sannadkan uu mashquul ku yahay mashaariic ay lacago badan kasoo gelayaan oo uu ka fulinayo meelo kale, laakiin sannadka dambe uu lacagtiisa u huri doono sidii Gunners ay u noqon lahayd hanti mulkiyaddeeda laga leeyahay qaaradda Afrika.

Image result for Aliko Dangote in arsenal

Bishii January ee sannadkan, waxa hadal uu jeediyey uu ku sheegay in Arsenal ay tahay koox uu jecel yahay in uu maalin uun iibsado, laakiin hadda uu gacanta ku hayo mashaariic $20 bilyan ku kacaya oo uu dareenkiisa oo dhan isugu geynayo.

Waxa kale oo uu intaa ku daray in marka uu dhameeyo mashaariicdan sannadka dambe ee 2021 uu u dhaqaaqi doono sidii uu u iibsan lahaa.

Haddaba, maalqabeenka ugu taajirsan Britain ee Sir Jim Ratcliffe oo isaguna u leexday maalgelinta ciyaaraha, dhowaanna iibsaday naadiga Nice ee ka dhisan waddanka France, iskuna dayey in Chelsea uu kala wareego hantiilaha Ruushka ah ee Ramon Abramovic, ayaa waxa uu bannaanka keenay qiimaha ay kooxaha waaweyn sida Arsenal ugu kici karayaan cid kasta oo rabta inay iibsato.

Image result for Aliko Dangote in arsenal

Bob Ratcliffe oo ay walaalo yihiin Sir Jim Ratcliffe oo hoggaaminayey shirkadda Ineos ee damacsanayd inay la wareegto Chelsea, ayaa waxa uu si dadban ula hadlay Aliko Dangote, waxaanu u sheegay in haddii uu doonayo inuu iibsado Arsenal uu soo diyaarsado ugu yaraan 2 bilyan oo Gini.

Bob oo la hadlay wargeyska Financial Times, waxa uu tilmaamay in lixda kooxood ee Premier League ugu yaraan qiimahoodu noqonayo illaa 2 bilyan oo Gini, laakiin haddii meelo kale oo aan ahayn Premier League lagu iibsan karokooxaha inta u dhaxaysa 150 milyan oo Gini illaa 350 milyan oo Gini, dhamaantoodna ay wada iib yihiin.