Waa Noocee Qorshaha Cusub Ee Kooxda Real Madrid Ay Ku Soo Shar Tagi Doonto Suuqa Xagaaga Soo Socda?

Waa Noocee Qorshaha Cusub Ee Kooxda Real Madrid Ay Ku Soo Shar Tagi Doonto Suuqa Xagaaga Soo Socda?
Waa Noocee Qorshaha Cusub Ee Kooxda Real Madrid Ay Ku Soo Shar Tagi Doonto Suuqa Xagaaga Soo Socda?

Kooxda Real Madrid ayaa u muuqata mid qorshe cusub ka yeelatay suuqa xagaaga ee soo socda kaddib saamaynta dhaqaale ee baahsan ee uu dunida ku yeeshay xanuunka dilaaga ah ee Coronavirus.

Wargeyska reer England ee The Sun oo si gaar ah warbixintan iyo sida ay u saamaynayso Gareth Bale ugaga faalooday ayaa sheegay in Real aysan filanayn inay suuqa soo socda samayso wax saxeexyo ah oo waaweyn sidaas darteedna uu Bale kooxda sii joogayo.

Bale ayaa Los Blancos lasoo qaatay waayo ciyaareed oo guulo waaweyn uu soo gaadhay laakiin waxa markasta lala xidhiidhinayay bixitaan iyo inuusan kooxda ku faraxsanayn iyo xidhiidh aan fiicnayn oo kala dhexeeya jamaahiirta.

Heshiiska Bale ee Real ayaa ah mid ay wali ka hadheen laba sano oo kale isagoo doonayay markasta inuu kusii negaado magaalada Madrid ee ay qoyskiisu sal dhigteen waxaana imika aragtidaas ku raacsan kooxda oo u sheegtay inuu sii joogi doono.

Inuu u wareego horyaalka Premier League ee uu markii horeba kasoo dhaqaaqay ayaa ah wax aad u adag sababtoo ah inay yar yihiin kooxaha awooda mushaharka 650,000 ee Pound ah ee uu toddobaadkii kooxdaas ka qaato.

Xagaagii hore ayay ahayd markii uu qarka u fuulay u dhaqaaqista dhinaca horyaalka China gaar ahaan kooxda Jiangsu Sunin oo mushahar ahaan 1 Milyan siinaysay toddobaadkii laakiin qandaraaskaas ayaa ugu dambayn bur-buray.

Ugu dambayn, Marka laga yimaado inay kubaddii cagtu maqan tahay mudo oo ay kooxuhu waayayaan dhaqaale badan oo ay kulamada ka heli jireen, intaas waxa dheer in Madrid ay qorsheynayso inay lacag 500 Milyan ah dib ugu habayso garoonkeeda Santiago Bernabeu.