Waa Noocee Qiimaynta Gary Neville Uu Ku Tilmaamay Bruno Fernandes Oo Kulankiisii Ugu Horeeyey u Ciyaaray Kooxda Manchester United.

Waa Noocee Qiimaynta Gary Neville Uu Ku Tilmaamay Bruno Fernandes Oo Kulankiisii Ugu Horeeyey u Ciyaaray Kooxda Manchester United.
Muxuu Warka u Soo Yeedhay Kooxda Man United Ee Ku Saabsan Ciyaartoyda Kooxda Oo Qaar Maqan Yihiin?

Halyeygii Manchester United ee Gary Neville ayaa soo bandhigay qiimaynta uu ku sameeyey laacibka kulankiisii koowaad u safray Red Devils xalay ee Bruno Fernandes, kaas oo iyadoo aanu tababar badan la qaadanin naadiga lagu soo bilaaabay ciyaartii xalay ee Wolves.


Fernandes ayaa dhamaystay 90-kii daqiiqadood ee ciyaartii barbarraha goolal la’aanta ah ay dhibcaha ku wadaageen Manchester United iyo Wolves, waxaanu qof kastaa qalinka u qaatay inuu calaamadeeyo qaladaadka uu sameeyey iyo sida uu ahaa bandhiggiisa guud.


Neville oo ka hawl-gala telefishanka Sky Sports ayaa waxa uu si dhow indhaha ugu hayey laacibkan, waxaana uu soo bandhigay guud ahaan sidii ay ciyaartiisu ahayd iyo halyey uu ula ekaaday oo hore usoo maray Manchester United.


“Waa maalmihiisii ugu horreeyey, waanan ka helay waxa uu sameeyey. Waxay ila tahay inuu caadi ahaa inkasta oo ay ciyaartu ku adkayd. ” Ayuu hadalkiisa ku bilaabay Gary Neville.


Halyeyga United waxa uu sheegay in wax badan oo ku saabsan gool-dhalinta iyo gool caawinta uu ka maqlay Fernandes balse uu ku fiicnaa dhexda dambe marka uu garab istaago Fred oo ay kubadda xagga dambe kasoo habaynayaan.


Waxa kale oo uu tilmaamay in khibrad badan ay ka muuqatay guud ahaan bandhiggiisa oo uu u muuqday inuu leeyahay hannaan wax badan laga filan karo, balse uu hal laacib oo hore usoo maray Manchester United uu soo xasuusiyey, waxaanu yidhi:


“Qaybtii hore waxa uu ka ciyaaray booska No.10, waxaanu isoo xasuusiyey xoogaa wixii uu samayn jiray Sebastien Veron markii ugu horreysay ee uu manchester United yimid, Meel walba wuu isku beddelay, meel wabana wuu tegay (garoonka gudihiisa), Wuxuu ku mashquulsanaa inuu helo meelaha bannaan oo uu buuxiyo, laakiin xaqiiqadii meel gaar ah kama ciyaarin.”


Gary Neville waxa kale oo uu amaan u jeediyey Fred oo uu xusay inuu si buuxda ciyaaarta u maamulayey kulamadii ugu dambeeyey, ayna ka muuqato ifafaale farxad gelin karaya Manchester United.