Home LA LIGA

Waa Noocee Heerka Ay Kooxda Barcelona Ka Gaadhsiisan Tahay Helitaanka Lautaro Martinez?

Waa Noocee Heerka Ay Kooxda Barcelona Ka Gaadhsiisan Tahay Helitaanka Lautaro Martinez?
Waa Noocee Heerka Ay Kooxda Barcelona Ka Gaadhsiisan Tahay Helitaanka Lautaro Martinez?

Kooxda Inter Milan ayaa u muuqata mid dhigeeda Barcelona u muujinaysa heerka ay ka taagan tahay gool dhaliyaha kooxdeeda ee Lautaro Martinez oo kamida xiddigaha ay Barca suuqa ka bar-tilmaameedsanayso kuwooda ugu sarreeya.

22 sano jirkan ree Argentina ayaa aad loola xidhiidhinayaa inuu Barcelona ku biirayo suuqa soo socda balse Inter ayaa u muuqata mid kaga samri karta kaliya laba wado haddiiba ay fasaxayso sida uu sheegayo warsidaha Tuttosport.

Wadada koowaad ee ay Inter kaga iibin karto Lautaro Martinez Barcelona ayaa lagu sheegay inay tahay in kooxdaasi ay bixiso dhammaan lacagta 111-ka Milyan ee euro ah ee heshiiskiisa lagu bur-burin karo.

Wadada labaad ee ay Blaugrana u mari karto saxeexa Lautaro ayaa ah inay dalab ka kooban 70 ilaa 80 Milyan oo euro oo lagu darab laba ciyaartoy waana doorasho aad u kakan maadaama lacagtuna ay sarreyso laba ciyaartoyna lagu darayo.

Arthur, Arturo Vidal, Nelson Semedo, Antoine Greizmann, Philippe Coutinho, Carles Alena iyo Junior Firpo ayay dhammaantood saxaafadu xustay inay macquul tahay in lagu daro heshiis qabsooma.

Warbixinta wargeyskan kasoo baxa magaalada Turin ayaa intaas ku daraysa in Barcelona ay doonayso inay mushahar ahaan Lautaro u siiso sanadkii 7 ilaa 8 Milyan oo euro halka ay Inter u diyaarinayso kaliya 4 Milyan oo euro haddii uu sii joogayo.