Waa Noocee Go’aanka Uu Qaatay Pep Guardiola Tababaraha Manchester City Ka Dib Ganaaxii La Saaray Kooxda?

Waa Noocee Go’aanka Uu Qaatay Pep Guardiola Tababaraha Manchester City Ka Dib Ganaaxii La Saaray Kooxda?
Waa Noocee Go'aanka Uu Qaatay Pep Guardiola Tababaraha Manchester City Ka Dib Ganaaxii La Saaray Kooxda?

Tababaraha kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan ka qaatay mustaqbalkiisa kooxdaas kaddib ganaaxii uu xidhiidhka Yurub ee UEFA kusoo rogay xalay ee tartamada Yurub loogu diiday labada xilli ciyaareed.

Kooxda Man City ayaa ugu dambayn loo sheegay go’aanka laga gaadhay kaddib baadhitaankii mudada dheer lagu soo waday iyadoo lagu ogaaday inay jabiyeen xidhiidhka FFP.

Il wareedka ESPN oo ka dib dhacdadaas ka faalooday mustaqbalka Guardiola ee markii horeba lagu muransanaa ayaa sheegaya in Pep uu kaliya ka wer-werayo sida uu ganaaxaasi ciyaartoydiisa u saamayn karo balse uu isagu kooxda joogayo ilaa inta uu ka faraxsan yahay.

ESPN ayaa ku doodaya in shalay subax uu Guardiola sii ogaaday in ganaaxani kusoo wajahan yahay balse uu ahaan doono mid aamusan maadaama oo ay kooxdu wado qorshaha ay racfaanka ku qaadanayso.

49 sano jirkan ayaa sidoo kale fahamsan sababta ay xiddigaha kooxdiisa badhkood u dalban doonaan inay kooxda ka baxaan haddiiba ay ku fashilmaan racfaanka ay qaadanayaan.

Ugu dambayn, Wargeyskan ayaa si guud ahaaneed u xusaya in Guardiola uu kaliya ka fikirayo go’aanka ay xiddigaha kooxdiisu gaadhayaan iyo haddii ay isaga farxad la’aani soo wajahdo uu ka bixi doono Etihad Stadium.