Waa Maxay Xusuusaha Gaarka ah Ee Ka Dhaxeeya Kooxaha Real Zaragoza Iyo Real Madrid?

Waa Maxay Xusuusaha Gaarka ah Ee Ka Dhaxeeya Kooxaha Real Zaragoza Iyo Real Madrid?
Waa Maxay Xusuusaha Gaarka ah Ee Ka Dhaxeeya Kooxaha Real Zaragoza Iyo Real Madrid?

Real Madrid ayaa wareegga 16ka ee tartanka Copa del Rey la ciyaari doonta Real Zaragoza oo xusuuso gaar ah ay ka dhexeeyaan tababare ZInedine Zidane, kuwaas oo aan maskaxdiisa ka bixin muddo 16 sannadood.

March 17, 2004 Zaragoza ayaa finalka Copa del Rey la ciyaartay Real Madrid, waxaanay ku garaacday 3-2, kulankaas oo ay Los Blancos u ciyaarayeen xiddigaha dunida ugu waaweyn.

Roberto Carlos, David Beckham, Guti, Luis Figo, Zidane iyo Raul ayaa si bahdilaad ah garoonka kaga baxay ciyaartaas markii uu Luciano Galletti waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray kubadda daba mariyey goolhaye Iker Casillas.

Real Madrid oo lasii murugoonaysa guul-darrada xun ee kasoo gaadhay kulanka Real Zaragoza iyo koobka laga qaaday, waxay la ciyaartay AS Monaco semi-finalka Champions League, waxaana kasoo gaadhay guul-darro kale oo xanuun badan.

Maalmo kaddib waxay Los Blancos kulan ka tirsan horyaalka LaLiga la ciyaartay Valencia oo sidii oo kale usoo karbaashtay.

Sannadkii 2006, ayay Real Madrid si weyn uga aargoosatay Zaragoza oo ay ku garaacday 6-1, laakiin haddana waxa xasuusta ku jirta ciyaar 2007 si weyn indhaha usoo jiidatay oo ay ku kala baxeen barbarro 2-2 ah.

Zinedine Zidane oo aan waligii ku guuleysanin tartanka Copa del Rey markii kali ahaa ee uu ugu dhowaana ay Real Zaragoza ka hor istaagtay, waxa uu wali ku riyoonayaa inuu koobkaas qaato, waxaana dariiqa ku sugaysa isla kooxdii koobka ka hor qaadday 16 sannadood ka hor, taas oo uu u baahan yahay in uu dhinaca iskaga leexiyo.

Arrinta kale ee muhiimka ah ayaa waxay tahay, in ciyaartoyga Real Madrid ee waqtigan aanu midkoodna ku jirin laacibiintii Los Blancos ee waqtigaas, waxaana ugu muddo dheer Sergio Ramos oo 2005 kaga soo biiray Sevilla.