Waa Maxay Sababtii Albaabada Loogu Xidhay Qolkii Warbaahinta Kooxda Real Madrid?

Waa Maxay Sababtii Albaabada Loogu Xidhay Qolkii Warbaahinta Kooxda Real Madrid?
Waa Maxay Sababtii Albaabada Loogu Xidhay Qolkii Warbaahinta Kooxda Real Madrid?

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa albaabada u xidhay qolka warbaahinta ee shirarka jaraa’id uu ku qabto tababare Zinedine Zidane ka hor kulamada, halkaas oo uu kusoo bandhigi jiray wararka kooxdiisa ee dhaawacyada, soo kabashada iyo falanqaynta naadiyada ay kooxdiisu la ciyaarayso.

Real Madrid oo sidoo kale garoonkeeda tababarka ka joojisay inay warbaahintu timaaddo toddobaadkan, waxay qaadaysaa tallaabooyin ay maamulka iyo ciyaaryahannada kaga dheeraynayso warbaahinta kala duwan, taas oo ay uga gol leedahay inay ku yarayso halista Coronavirus.

Real Madrid oo Jimcaha garoonka Santiago Bernabeu oo madhan kula dheeli doonta Eibar, waxa ay Los Blancos kansashay shirkii jaraa’id ee ka horreyn lahaa oo Khamiista berri uu Zidane ku hor tegi lahaa warbaahinta.

Xanuunka Coronavirus ee sida weyn ugu faafaya dunida, waxa Zidane uu ka baaqan doonaa inuu la kulmo cid aan gudaha kooxda ku sugnayn sida warbaahinta oo la ogyahay inay socod badan yihiin oo ay meelo kala duwan kasoo tabiyaan warka.

Si kastaba ha ahaatee, Real Madrid oo hoggaanka horyaalka lumisay Axaddii markii ay guul-darrada 2-1 ah kasoo gaadhay Real Betis, waxa uu u baahan yahay guul khasab ah oo uu ka keeno Eibar si aanay Barcelona uga sii dheeraanin.