Home Premier League

Waa Maxay Sababta Uu Telefishanka BT Sports Mushaharkii Uga Jaray Falanqeeyaasha Fletcher, Jenas, Savage, Sutton, Ferdinand Iyo McManaman?

Waa Maxay Sababta Uu Telefishanka BT Sports Mushaharkii Uga Jaray Falanqeeyaasha Fletcher, Jenas, Savage, Sutton, Ferdinand Iyo McManaman?
Waa Maxay Sababta Uu Telefishanka BT Sports Mushaharkii Uga Jaray Falanqeeyaasha Fletcher, Jenas, Savage, Sutton, Ferdinand Iyo McManaman?

Telefishanka ciyaaraha ee BT Sports ayaa u sheegay khubarada falanqaynta baahintaha tooska ah iyo gorfaynta usbuuclaha ah ugu qoran ee ay ka midka yihiin Rio Ferdinand, Steve McManaman, Darren Fletcher, Jermaine Jenas, Robbie Savage iyo Chris Sutton.

BT Sports oo ah shirkad telefishan oo haysata balaayiin dollar oo lacag ah, ayey ka istaageen ciyaarihii ay sida tooska au baahin jireen, kaddib markii uu xanuunka Coronavirus sababay in albaabada loo laabo garoomada, ciyaartoyda iyo dadka kalena lagu qasbo inay guryahooda joogaan.

Khubarada mushaharka laga joojiyey oo sidoo kale ay ku jireenn Martin Keown, Joe Cole, Glenn Hoddle iyo Karen Carney ayaa lagu war geliyey in muddo saddex toddobaad ah ay mushahar la’aan ku shaqaynayaan, iyadoo mushaharkoodii iyo lacago kaleba gacanta laga saari doono waaxda caafimaadka UK ee NHS si ay ugula tacaalaan caabuqa Coronavirus.

Telefishanka kale ee ciyaaraha ee Sky Sports ayaan wali qaadin tallaabadan oo kale, waxaana uu si dhamaystiran khubarada la shaqaysa u siinayaa mushaharooyinkooda, hase yeeshee BT Sports ayaa sheegay in iyagu ay doonayaan in lacagtii badnayd ee ay siinayeen khubaradan ay joojiyaan muddada uu xanuunku jiro, isla markaana ay gacanta ka saaraan waaxda NHS.

Caadiyan, khubarada ciyaaraha ayaa mushaharkooda la siiyaa dhamaadka xili ciyaareedka xattaa haddii aanay dhamaystirin baahinta tirada ciyaaraha ee markii hore lagula heshiiyey oo ku kooban horyaalka Premier League, Champions League, Europa League, horyaalka haweenka ee WSL iyo tartamada hoose ee loo yaqaano Non-league.

Khubaradan ayaa si joogto ah barnaamijyadooda u qabanayay intii ka horreysay March 12 oo ahayd xilligii albaabada loo laabay ciyaaraha, laakiin BT ayaa ugu sababeeyey khubarada in malaayiin dollar ay ka baxayaan xilli aanay jirin ciyaaro ay baahinayaan oo aanay waxba soo gelinaynin, sidaas darteedna ay u baahan yihiin inay yareeyaan kharashka oo ay dhimaan, sidoo kalena ay gacan ka geystaan gurmadka caafimaadka.

Sabtidii, waxa barnaamij ‘Early Kick Off’ qabtay Jake Humphrey oo uu marti ugu ahaa Peter Crouch.