Waa Maxay Sababta Uu David Luiz Todobaad Uga Maqnaado Garoomada?

Waa Maxay Sababta Uu David Luiz Todobaad Uga Maqnaado Garoomada?
Waa Maxay Sababta Uu David Luiz Todobaad Uga Maqnaado Garoomada?

Daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ahna mid kamida xiddigaha ugu khibrada badan kooxdaas ee David Luiz ayaa wajahaya mudo toddobaado ah oo uu garoomada ka maqnaan doono kaddib dhaawac qoorta ka gaadhay oo uu ugu yaraan u maqnaan doono kulanka Sabtida ee Fulham.

Luiz ayaa la filayay inuu kusoo bilaaban doono shaxda Arsenal kulanka ugu horreeya xilli ciyaareedkooda 2020-21 balse ilaa haatan toddobaadkan ayuusan kasoo qayb gelin tababarka kooxda.

Luiz ayuu shaki xoogani ku jiraa inuu kusoo bixi doono liiska xiddigaha Arsenal ee tegaya gegida Craven Cottage Sabtida, sidoo kale waxa uu dhaawaciisu qas ku keenay qaar kamida qorshayaashii suuqa ee kooxdaasi.

Sida lagu sheegay wargeyska The Athletic, David Luiz ayuu dhaawaciisani noqon doonaa mid ugu badnaan uu lix toddobaad garoomada kaga maqnaan doono walow laga warsugi doono warbixinta rasmiga ah ee Gunners kasoo saarayaan.

Tababare Mikel Arteta ayaa dhaq-dhaqaaq deg-deg ah sameeyay waxaana la filayaa inuu gabi ahaanba kansalo heshiiskii amaahda ahaa ee uu Rob Holding ku tagayay Newcastle United.

Warar hore ayaa sheegayay in joojinta Holding ay ka madax banaantahay dhaawaca Luiz gaadhay oo uu Arteta doonayo inuu dookh kamida dookhyadiisa daafaca u ahaado xilli ciyaareedka soo socda.

Gunners ayaa hadda ah kuwo qani ka ah boosaska daafaca dhexa kaddib imaatinka Gabriel Magalhaes iyo William Saliba si lamid ah Mustafi, Pablo Mari iyo Sokratis oo dhammaantood booskaas ah.