Home LA LIGA

Waa Maxay Sababta Ka Danbaysa In Lix Agaasime Oo Maamulka Kooxda Ahaa Hal Mar Iswada Casilaan?

Waa Maxay Sababta Ka Danbaysa In Lix Agaasime Oo Maamulka Kooxda Ahaa Hal Mar Iswada Casilaan?
Waa Maxay Sababta Ka Danbaysa In Lix Agaasime Oo Maamulka Kooxda Ahaa Hal Mar Iswada Casilaan?

Khilaafka ka dhex jira maamulka sare ee Barcelona ayaa cirka isku sii shareeray, waxaana xalay saqdii dhexe hal mar is wada casilay lix agaasime oo shaqooyin muhiim ah ka hayay kooxda.

Khamiistii ayay Barcelona madaxa la gashay khilaaf hor leh  kaddib markii uu madaxweyne Josep Maria Bartomeu ka dalbaday labadiisa madaxweyne ku-xigeen iyo laba xubnood oo kale oo agaasimeyaasha naadiga ka tirsan, kuwaas oo uu doonayay inuu meesha ka saaro maadaama aanay la dhacsanayn qaabka uu kooxda u hoggaamiyo.

Emili Rousaund iyo Enrique Tombas oo ahaa labada madaxweyne ku-xigeen iyo Silva Elias & Josep Pont ayuu Partomeu u sheegay inay xilalka iskaga tagaan, si awaamiirta uu soo saaro uu ugu helo awood uu ku fuliyo sax iyo qaladba, waxaana go’aankaas kasoo horjeedsaday Maria Teixidor iyo Jordi Calsamiglia oo iyaguna iscasilaad degdeg ah gudbiyey.

Lixdan masuul ayaa warqad iscasilaad ah si wada-jir ah u qoray oo banneeyey shaqooyinkooda, waxayse kasii mid ahaan karayeen guddida sare ee maamulka ee ‘Board of Directors’ maadaama ay doorasho ku yimaaddeen oo tirada xubnahoodu tahay 19, hase yeeshee waxa kale oo ay go’aansadeen in xataa ay xataa guddida iskaga baxaan, taas oo hadda ka dhigaysa xubnaha guddida maamulka 13.

Warqadda iscasilaadda ay wada-jirka usoo saareen ayay ku yidhaahdeen:

“Anaga oo ah agaasimeyaasha halka hoose ku saxeexan, waxa aanu ku wargelinay Madaxweyne Bartomeu go’aankayaga ah in si aan macquul ahayn aanu iskaga casilay xilalkii aanu ka haynay kooxda.

“Waxa aanu qaadanay tallaabadan markii ay noo muuqatay in dhinac looga leexday qaabkii maamul ee kooxda oo waajahaysa caqabado muhiim ah mustaqbalka iyo gaar ahaan musiibada aafada (Coronavirus) kaddib.

“Waxa aanu doonaynaa inaanu soo bandhigno niyadjabka aanu ka qaadnay falalka nasiib-darrooyinka ah ee akoownada baraha bulshada ee loo yaqaano ‘Barcagate’ ee kooxda loo isticmaalo.”

Waxa kale oo ay agaasimeyaashani sheegeen inay u mahadcelinayaan saaxiibbadoodii sida naf-hurnimada ah ugu shaqaynayay kooxda barcelona, gaar ahaan fulinta iyo shaqaalaha naadiga oo waqtigan adag si wanaagsan u shaqaynaya, farxadna ay u ahayd inay u shaqeeyaan kooxda ay jecel yihiin ee Barca.

Waxa kale oo ay ku baaqeen in shaqadii hanti-dhawrku ka qabtay kooxda ee lagu hubinayay hannaanka xisaabeed ee naadiga laga caawin doono inay xaqiijiyaan hab-xisaabeedka ay u baahan yihiin.