Waa Maxay Sababta Ciyaartoyda Kooxaha Premier League Qaarkood u Diidan Yihiin Gordon Taylor?

Waa Maxay Sababta Ciyaartoyda Kooxaha Premier League Qaarkood u Diidan Yihiin Gordon Taylor?
Waa Maxay Sababta Ciyaartoyda Kooxaha Premier League Qaarkood u Diidan Yihiin Gordon Taylor?

Ciyaartoyda kooxaha Premier League ayaa la ogaaday in ay u cadhoonayaan gudoomiyaha ururkooda PFA ee Gordon Taylor.

Gudoomiyaha fulinta ururka ciyaartoyda kubbada cagta PFA ee Gordon Taylor ayaa dhawaan dagaal wayn u galay in ciyaartoyda kooxaha Premier league aan lagu samayn wax mushaar dhimis ah, laakiin dadaal badan kadib waxaa kabtanada kooxaha Premier league ogolaadeen in mushaarkooda la dhimo.

Laakiin ciyaartoyda kooxaha Premier league ayaa u cadhaysan gudoomiyaha fulinta PFA ee Gordon Taylor kadib markii ay ogaadeen in uu isaga iska diiday in uu mushaarkiisa dhimo inta lagu jiro saamaynta coronavirus halka ciyaartoydu ay mushaarkoodii dhimeen kadib markii ay shir la yeesheen PFA.

Gordon Taylor ayaa madaxa ururka ciyaartoyda kubbada cagta England soo ahaa tan iyo sanadkii 1981 kii wuxuuna sanadkii mushaar ahaan u qaataa 2.2 milyan gini waana kan ugu mushaarka badan ururada ciyaartoyda kubbada cagta aduunka.

Kooxaha Premier League ayaa Gordon Taylor dhawaan kala xaajooday in xidigaha Premier league ay sameeyaan mushaar dhimis boqolkiiba 30% ah ee inta lagu jiro musiibada coronavirus laakiin ciyaartoyda ayaa cadhooday markii ay ogaadeen in Gordon Taylor aanu isaga laftiisu ogolaan in uu mushaarkiisa dhimo halka ciyaartoyda lagu qanciyay in mushaarkooda ay hoos u dhigaan.

Maxay Tahay Sababta Dhabta Ah ee Keentay in Ciyaartoyda premier league ay u cadhoonayaan Gordon Taylor?

Wargayska Star ayaa shaaciyay in ciyaartoyda kooxaha Premier league ay u arkaan in gudoomiyaha ururkooda PFA ee Gordon Taylor uu iyaga lu gooyay markii ay ku ciyaartoyda ku qanciyeen in ay mushaarkooda dhimaan halka isaga laftiisii uu ilaa hadda diidan yahay in uu mushaarkiisa dhimo.

Ciyaartoyda Premier league ayaa Gordon Taylor ka doonayay in uu isagu tusaale noqdo oo uu marka hore ogolaado in uu mushaarkiisa dhimo si ay ciyaartoyda iyo dadka kale ugu dayan karaan balse halkii uu taas ka samayn lahaa ayuu isagii ilaa hadda diidan yahay in uu mushaarkiisa dhimo halka ciyaartoyda lagu qanciyay in ay mushaarkooda dhimaan.

Gordon Taylor ayaa booska gudoomiyaha fulinta PFA iska casili doona ugu danbayn bisha September ee sanadkan laakiin waxa uu haddaba la kulmayaa cadhada ciyaartoyda uu maamulka u yahay oo u arka mid iyaga lugooyo ku abuuray oo ku qanciyay wax aanu isagu doonayn in uu sameeyo.

Kabtanada kooxaha Liverpool iyo Man United ee Jordan Henderson iyo Harry Maguire ayaa hogaaminayay kabtankada kooxaha Premier league waxayna ogolaadeen in ay dhimaan mushaarkooda balse waxay doorteen in hal sanduuq oo guud la sameeyo oo ay dhamaan ciyaartoyda kooxaha Premier league ku shubi doonaan lacagaha ay ku caawinayaan adeega caafimaadka qaranka UK ee NHS.