Waa Maxay Magdhowga Ay Xidhiidhka Kubada Cagta Yurub Ee UEFA Ay Ka Dalbadeen Kooxaha Ka Qayb Gala Tartamada Champions League Iyo Europa League?

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa magdhow ka dalbadan doona kooxaha Yurub ee ka qayb-gala tartamada Champions League iyo Europa League, haddii uu dib u dhac ku yimaaddo xilligii loo qorsheeyey oo ahaa bisha June.

Horyaallada dunida intooda badan oo ay ku jiraan Champions League iyo Europa League ayaa hakad la geliyey markii uu soo baxay xanuunka Coronavirus oo si ba’an u faafaya, waxaanay hadda xaniban yihiin muddo bil ah iyadoo la filayo in bisha April horraanteeda lagu soo laabto garoomada.

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa maanta shir ku yeelanaya magaalada Nyon ee waddanka Switzerland, waxaanay ku gorfaynayaan go’aamo xaasaasi ah oo ay kasoo saari doonaan sida laga yeelayo tartanka Euro 2020 ee bisha June ku muddaysan iyo tartamada kale ee Champions League iyo Europa Legue oo hakad galay.

Go’aamada laga soo saaro, waxa la filayaa inay noqdaan kuwo dib u riixa waqtiga EURO 2020 maadaama ay suurtogal tahay in xili ciyaareedkani ka dheeraado waqtigiisii caadiga ahaa ee uu ku dhamaan jiray

Sida uu ku warramay David Ornstein oo ka tirsan warbaahinta The Athletic, xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA waxay ka dalban doontaa kooxaha iyo xidhiidhada £275 milyan oo magdhow ah laakiin waa haddii la isku raaco in muddo 12 bilood ah Euro 2020 dib loo dhigo.

Wariyuhu ma sheegin masuul uu ka soo xigtay arrintan iyo sida ay ku hirgeli karayso, laakiin waxa la sugi doonaa waxa kasoo baxa shirka UEFA ee maanta.