Home Premier League

Waa Maxay Halka Shuruud Ee Bruno Fernandes Uu Hor Dhigay Ciyaartoyda Doonaysa Inay Ku Soo Biiraan Kooxda Man United?

Waa Maxay Halka Shuruud Ee Bruno Fernandes Uu Hor Dhigay Ciyaartoyda Doonaysa Inay Ku Soo Biiraan Kooxda Man United?
Waa Maxay Halka Shuruud Ee Bruno Fernandes Uu Hor Dhigay Ciyaartoyda Doonaysa Inay Ku Soo Biiraan Kooxda Man United?

Xiddiga Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa sheegay in ciyaartoyda cusub ee imanaysa Old Trafford looga baahan yahay inay buuxiyaan hal shuruud ah si ay kooxda ugu ciyaaraan.

Bruno Fernandes oo bishii January Manchester United uga soo wareegay Sporting Lisbon ayaa waxa uu isbeddel badan ku sameeyey qaab-ciyaareedka naadiga, waxaana uu udub-dhexaad u noqonayaa cududda naadiga ee sannadaha soo socda dagaalka u gelaya sidii ay usoo celin lahaayeen sharaftii iyo guulihii Red Devils.

United ayaa xagaagan lala xidhiidhinayaa ciyaartooyo dhawr ah oo lacago badan ku qiimaysan, waxaana ka mid ah labada weeraryahan ee Harry Kane iyo Jadon Sancho, halka RB Leipzing difaaceeda Faransiiska ah ee Dayot Upamecano uu liiska ku jiro.

Fernandes oo ka jawaabayay su’aalo toos looga weydiinayay website-ka Manchester United ayaa waxa uu sheegay in ciyaartoyda cusub ee imanaya Old Trafford ay ahaadaan kuwo doonaya inay wax walba ku guuleystaan, una gaajaysan sidii ay koobab u qaadi lahaayeen, waxaanu yidhi: “Waxaan doonayaa inaan wax walba ku guuleysto, waxaan u gaajaysanahay inaan wax walba ku guuleysto. Waxaan u imid Manchester inaan guuleysto, inaan koobab ku guuleysto, horyaalka, Champions League iyo Waax walba.“Suurtogal ayay u tahay Manchester sababtoo ah waxaanu nahay koox da’yar, ciyaartooyo yaryar oo leh tayo badan.“Waxaanu nahay koox weyn, cid kasta oo timaaddana waxa looga baahan yahay inay la timaaddo guul. Kaliya in yoolkoodu ahaado guul, waxaan doonayaa inay dadku ahaadaan kuwo u gaajaysan koobab iyo wax kasta oo kale. Waxaan dareemayaa in tani kooxda ka jirto, qof walbaana doonayo guul.”