Waa Maxay Go’aanka Ay Qaateen Maamulka Iyo Madaxda Kooxda Man United Ee La Xidhiidha Edinson Cavani Kana Tirsan Kooxda Paris Saint-Germain.

Waa Maxay Go’aanka Ay Qaateen Maamulka Iyo Madaxda Kooxda Man United Ee La Xidhiidha Edinson Cavani Kana Tirsan Kooxda Paris Saint-Germain.
Waa Maxay Go'aanka Ay Qaateen Maamulka Iyo Madaxda Kooxda Man United Ee La Xidhiidha Edinson Cavani Kana Tirsan Kooxda Paris Saint-Germain.

Kooxda Manchester United iyo madaxdeeda ayaa lagu soo warramayaa inay go’aan ka qaateen xiisahii ay u muujinayeen weeraryahanka ka baxaya Paris Saint-Germain ee Edinson Cavani kaasi oo sidoo kale lala xidhiidhinayo kooxo dhawr ah.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa suuqa ugu jira saxeexa weeraryahano uu weerarkiisa ku horumarinayo kaddib markii go’aankii uu ku fasaxay Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez ay dhex dhigeen xaalad weerar yaraan ah.

In dookhyada weerarku ay ku yaraadeen ayuu xataa sii kordhiyay dhaawaca dhawaan dhabarka ka gaadhay 22 sano jirkii hoggaanka u ahaa weerarka kooxdaas ee Marcus Rashford kaas oo mudo saddex bilood ah maqnaan kara.

Mid kamida xiddigaha lala xidhiidhinayay Old Trafford ayaa ahaa Cavani kaas oo dhawaan warqadiisa codsiga bixitaanka u gudbiyay PSG.

Image result for Edinson Cavani in man united

Haddaba, Wargeyska The Athletic ayuu kasoo yeedhay war aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta Manchester xilli uu xusay in kooxdoodu ay gabi ahaanba iskaga hadhay loolanka Cavani iyagoo laba arrimood ku sababeeyay.

Wargeyaka ayaa sheegaya in sababta koowaad ee ay United uga quusatay helitaanka Cavani ay tahay mushaharkiisa aadka u sarreeya oo ah 350,000 oo euro toddobaadkii.

Sababta labaad ee ay United uga baxday tartanka ayaa ah inay diideen rekoodhkiisa dhaawacyada oo ah mid xun gaar ahaan xilli ciyaareedkan oo uu qaybo badan oo kamid ah sababo dhaawac ku seegay.