Home Premier League

Waa Maxay Fariinta Ay Kala Heleen Nwankwo Iyo Odion Ighalo Ee Ku Saabsan Kooxda Man United?

Waa Maxay Fariinta Ay Kala Heleen Nwankwo Iyo Odion Ighalo Ee Ku Saabsan Kooxda Man United?
Waa Maxay Fariinta Ay Kala Heleen Nwankwo Iyo Odion Ighalo Ee Ku Saabsan Kooxda Man United?

Weeraryahanka Manchester United ee Odion Ighalo  ayaa daboolka ka qaaday in farriin uu ka helay halyeyga reer Nigeria ee Nwankwo Kanu ay ka caawisay inuu heshiis amaah ah ugu wareego Manchester United dhamaadka bishii January ee sannadkan.

Ighalo ayaa maalintii ugu dambaysay suuqa jiilaalka tegay Old Trafford isaga oo kasoo baqoolay naadiga reer China ee Shanghai Shenhua, waxaana dad badan ay xilligaas rumaysnaayeen inay laacibkan hore ugu ciyaaray Watford ku adkaan doonto inuu saldhigo United iyadoo saluug laga muujinayay tayadiisa.

Laakiin 30 jirkan ayaa afar gool dhaliyey dhamaan kulamadii uu ciyaaray, iyadoo uu bandhig fiicanna muujiyey bishii February iyo horaantii March ka hor intii aan ciyaaraha la joojinin.

Ighalo waxa uu sheegay in talo uu ka helay halyeygii hore ee ay isku waddanka ahaayeen ee Nwankwo Kanu oo sidoo kale waayo qurux badan kusoo qaatay Arsenal, ay faa’iido u noqotay, waxaanu yidhi: “Wuxuu iisoo diray farriin hambalyo ah markii aan heshiiska u saxeexay Man United, waxaanu igu waaniyey inaan sii wado in si adag aan u shaqeeyo.” Ayuu yidhi Ighalo.

“Waxa uu ii sheegay inaan layaab ku ridi doono dad badan oo aan markii hore shaki gelinayay faa’iidada aan kooxda u keeni doono. Waxa uu ii sheegay inuu arkay anigoo wax fiican samaynaya laakiin ay tahay inaan si adag u shaqeeyo oo aan naftayda ku kalsoonaado iyo in aanan ka hadal dadka iga fog.” Ayuu raaciyey.

Hadalkan ka soo yeedhay Ighalo ayaa laga yaabaa in aanay jeclaysanin jamaahiirta Arsenal ee halyeygooda u arka Nwankwo Kanu oo sannadihii guulaha udub-dhexaad u ahaa qaab-ciyaareedkii Gunners.