Waa Kuwee Kooxaha Ku Soo Biiray Helitaanka Ousmane Dembele u Ciyaara Kooxda Barcelona?

Waa Kuwee Kooxaha Ku Soo Biiray Helitaanka Ousmane Dembele u Ciyaara Kooxda Barcelona?
Waa Kuwee Kooxaha Ku Soo Biiray Helitaanka Ousmane Dembele u Ciyaara Kooxda Barcelona?

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, xiisaha loo muujinayo da’yarka xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona ee Ousmane Dembele ayaa ah mid waji kale yeeshay iyadoo ay markan tartanka soo galeen kooxaha ugu waaweyn horyaalka Talyaaniga.

Wargeyska GdS ayaa sheegaya in labada kooxood ee reer Talyaani ay doonayaan soo xero-galinta Dembele isla markaana Juve ay tahay kooxda qorshaha gaarka ah wadata waxaana uu agaasimaha kooxdaas ee Fabio Paratici doonayaa inuu heshiis ciyaartoy is-dhaafsi ah sameeyo.

Paratici ayaa qorsheynaya inuu daafaca dhexe ee aan kooxdiisa muhiimada weyn u lahayn ee Daniele Rugani ku bedesho Dembele walow aan wali la shaacin qadarka lacageed ee ay raacinayaan.

Dembele ayaa tan iyo markii uu Barcelona kaga soo biiray dhinaca kooxda Borussia Dortmund ciyaaray saddex-meeloodow hal meel kulamadii iyo daqiiqadihii suurogalka ahaa ee uu ciyaari karayay.

Ousmane ayaa ah mid ay dhaawacyo dishoodeen sidoo kalena ay ku adkaatay wakhtiyada qaar inuu fursad ciyaareed badan helo xataa marka uu diyaar u yahay inuu ciyaaro.

Kahor intii uusan xilli ciyaareedkan hakinin xanuunka dhibaatada badan keenay ee Coronavirus, Dembele ayaa kaliya laba kulan si buuxda u dhammaystay kulamada horyaalka La Liga.

Si lamid ah xilli ciyaareedkan Dembele ayaa xilli ciyaareedkii 2018-19 kasoo ciyaaray kaliya laba kulan oo dhammaystiran waana sabab keeni karta inuu qiime dhac badani kaga yimaado suuqa.

Barca ayaa haddiiba ay iibinayso Dembele wax badan hoos uga soo degi doonta lacagtii ay ku iibsatay dhawr sano kahor ee ahayd 105 Milyan ee euro oo lagu daray 40 Milyan oo euro oo gunnooyin kala duwan ahaa.