Home BundesLiga

Waa Kuwee Ciyaartoyda Ugu Mushaharka Badan Aduunka Waakan Wargeyska France Football?

Waa Kuwee Ciyaartoyda Ugu Mushaharka Badan Aduunka Waakan Wargeyska France Football?
Waa Kuwee Ciyaartoyda Ugu Mushaharka Badan Aduunka Waakan Wargeyska France Football?

Wargeyska caanka ah ee France Football ayaa soo saaray cliiska ciyaartoyga ugu mushaharka badan dunida, kuwaas oo mar kale ay safka hore kaga jiraan xiddigaha xulka qaranka Portugal iyo Argentina ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa mar kale kaalinta koowaad kaga soo baxay liiska, waxaana labaad iyo saddexaad ku kala jira Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr.

Lionel Messi ayuu wargeysku sheegay in sannadkan qiyaastii uu xoogsan doono lacag dhan 131 milyan oo Euro, taas oo isugu jira mushaharka iyo gunnooyinka uu ka qaato Barcelona iyo dakhliga uga soo xeroonaya xayaysiinta uu sameeyo.

Weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo oo kaalinta labaad u dhacay ayaa isagana ay soo geli doontaa qiyaastii lacag dhan 118 milyan oo Euro, waxaanu illaa shan milyan ka hoosaynayaa lacagtii uu helay sannadkii hore.

Xiddiga Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa qiyaastii 4.5 korodh ah uu samayn doonaa dakhligiisu, waxaanu heli doonaa 95 milyan oo ah isu-geynta mushaharka, gunnada iyo xayaysiimaha uu samaynayo.

Dhinaca tababareyaasha, waxa ugu sarreeya tababaraha Atletico Madrid, Diego Pablo Simeone oo ah shaqsiga aan ahayn ciyaartoyda ee lacagta ugu badan ay kasoo gasho kubadda cagta, waxaana sannadkan dakhligiisa lagu sheegay 40.5 milyan Euro oo inteeda badan ah mushahar iyo gunnooyin uu Atletico Madrid ka qaadanayo.

Waxa kusoo xiga tababaraha Inter Milan, Antonio Coonte oo 30 milyan oo Euro helaya, Pep Guardiola oo Manchester City ay siinayso 27.5 milyan.

Wargeyska France Football oo bilaabay inuu qiimaynta noocan ah sameeyo sannadkii 1999-kii, ma sheegin haddii hakadka ku yimid ciyaaraha ee uu sababay caabuqa Coronavirus uu saamayn ku yeelan doono lacagaha ay ciyaartoydani heli doonaan, hase yeeshee kaliya waxa uu soo bandhigay tirooyinka oo uu ku salleeyey mushaharka uu dhigayo heshiiiska ay kooxaha iyo ciyaartoydani ku wada jiraan, gunnooyinka qandaraaskooda qaybta ka ah iyo heshiisyada xayaysiinta ee ay shirkadaha kula jiraan.