Waa Kuwee Ciyaartoyda Lagu Bixin Doono Lacagta Badan Marka Uu Furmo Suuqa Iibka Ciyaartoyda Xagaaga Soo Socda?

Waa Kuwee Ciyaartoyda Lagu Bixin Doono Lacagta Badan Marka Uu Furmo Suuqa Iibka Ciyaartoyda Xagaaga Soo Socda?
Waa Kuwee Ciyaartoyda Lagu Bixin Doono Lacagta Badan Marka Uu Furmo Suuqa Iibka Ciyaartoyda Xagaaga Soo Socda?

Ciyaartooyo badan ayaa la filayey in lacag badan lagu bixiyo marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyga ee xagaagga, laakiin xanuunka Coronavirus ee aafeeyey dhaqaalaha dunida iyo midka kooxahab, ayaa hubtan la’aan gelinaya qiime kasta oo ciyaartoy lagu gadan lahaa.

Hoos u dhaqaalaha dhaqaale ee ku yimid kooxuhu, waxa uu kooxaha u saamaynayaa laba dhinac oo midda koowaad tahay in ay istaageen ilihii dakhli, isla markaana ay bixinayaan kharashaadka mushaharooyinka iyo gunnooyinka ciyaartoygu, midd labaadna waxay tahay in kooxuhu lacagtii badnayd ee ay ka heli jireen ciyaartoyga ay iibinayaan ay waayi doonaan oo lacagtoodii hoos u dhici doonto.

Kooxaha Real Madrid, Barcelona iyo Manchester United ayaa ugu horreeya naadiyada la filayo inay saxeexyo waaweyn sameeyaan, waxaana lala xidhiidhinayaa laacibiin afka hore, khadka dhexe iyo difaacaba ka ciyaarta oo ay iskugu dhisaan xili ciyaareedka dambe.

Haddaba, waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa tobanka ciyaartoy ee da’yarta ah ee la filayo inay suuqa xagaaga ruxaan, noqdaanna kuwa ugu qaalisan ee la kala iibsado.

Erling Haaland (Borussia Dortmund)

Lautaro Martinez (Inter)

Kai Havertz (Bayer Leverkusen)

Eduardo Camavinga (Rennes)

Ferran Torres (Valencia)

Gabriel Martinelli (Arsenal)

Jadon Sancho (Borussia Dortmund

Christopher Nkunku (RB Leipzig)

Francisco Trincao (Braga) & Dejan Kulusevski (Parma)