Home LA LIGA

Waa Kuwee Ciyaartoy Ka Badbaaday Dhaawacyada Soo Food Saaray Kooxda Barcelona?

Josep Maria Bartomeu Ma Ka Dhabayn Doonaa Sidii Uu Lionel Messi Ugu Sii Nagaan Lahaa Garoonka Camp Nou?
Josep Maria Bartomeu Ma Ka Dhabayn Doonaa Sidii Uu Lionel Messi Ugu Sii Nagaan Lahaa Garoonka Camp Nou?

Kaliya laba ciyaartoy ayaan Barcelona ka dhaawacmin xili ciyaareedkan oo ka mid ah kuwii ugu xumaa ee soo maray taariikhda casriga ah ee naadiga, waxaana muddo dheer garoomada ka maqnaanaya OUsmane Dembele oo inta kulan ee uu ciyaarayba kooban yihiin iyo laacibkoodii afka hore ee Luis Suarez, taasi oo keentay in Martin Braithwait uu xaalad kala guur ah ku soo biiro Barca.

Antoine Girezmann iyo Frenkie de Jong ayaa nasiib-wanaaggooda noqday labada ciyaartoy ee kali ah ee aanu dhaawac soo gaadhin, laakiin xiddiga reer France waxa raad kaga tegay dhaawac kuraanta kaoso gaadhay ciyaarihii saaxiibtinimo ee xagaagii oo hoos u dhigay bandhiggiisa ciyaareed.

Kubbad-sameeyaha reer Netherlands ee Frenkie de Jong oo Barcelona kusoo biiray xagaagii ayaa isaguna inkasta oo uu caafimaad qabay aan helin qaab-ciyaareedkii lagu yaqaanay waqtigii Ajax maadaama uu ku cusbaa Barca.

Barcelona oo xili ciyaareedkan aad uga hoosaysa heerkii laga filayey, isla markaana ay isku maran yihiin dhibco ahaan Real Madrid oo afka hore ee weerarka aan helin beddelkii Ronaldo, waxa isugeyn ka dhaawacmay 16 ciyaartoy oo qaarkood xanuunsanayeen.

Luis Suarez iyo Ousmane Dembele oo qalliino lagu sameeyey ayaa ugu darnaa, laakiin waxa isguna dhawr ciyaarood dhibaato jilibka ah ku seegay da’yarka Ansu Fati, halka Sergio Busquets laga tuuray safka hore ee ciyaartii El Clasico ee Camp Nou 18 December ay ku qaabileen Real Madrid, taas oo uu soo galay daqiiqadihii ugu dambeeyey.

Sidoo kale, Samuel Umtiti ayaa dhaawacyo jilibka kasoo gaadhay usbuucyo u jiifay, halka Marc Andre ter Stegen uu bannaanka u fadhiyey dhaawac jilibka ah oo keeni kara in qalliin lagu sameeyo haddii uu mar kale kusoo noqdo.

Rakitic oo lagu canaantay in ciyaartiisu hoos u dhacday ayaa dhibaatooyin muruqa ah ku seegay ciyaaro muhiim ah, laakiin labada laacib ee Arthur Melo iyo Jordi Alba oo khadka dhexe iyo difaaca bidix aasaasi ka ah ayaa iyaguna waqtiyo badan u jiifay dhaawacyo.

Xiddiga kooxda ee Lionel Messi ayaa isaguna ku jira liiska ciyaartoyga ay dhaawacyada murquhu soo gaadheen xili ciyaareedkan.

Si kastaba, Griezmann iyo De Jong ayaa ah labada ciyaartoy ee badqabka ah ee caafimaadkoodu taamka ahaa xili ciyaareedkan oo dhan.