Home BundesLiga

Waa Kuwan Tobanka Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Sareeya Aduunka Dhanka Kubada Cagta Waxaana Aan Ku Jirin Cristiano Ronaldo?

Waa Kuwan Tobankan Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Sareeya Aduunka Dhanka Kubada Cagta Waxaana Aan Ku Jirin Cristiano Ronaldo?
Waa Kuwan Tobankan Ciyaartoy Ee Ugu Qiimaha Sareeya Aduunka Dhanka Kubada Cagta Waxaana Aan Ku Jirin Cristiano Ronaldo?

Waxa la soo bandhigay 10-ka ciyaartoy ee ugu qiimaha sarreeya dunida kubadda cagta, waxaana tobannaan sannadood oo uu kaalmaha sare cidhiidhsanayay kaddib, laga waayey xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Shirkadda qiimaynta ciyaartoyda ee dhinaca suuqa ee Transfermarkt, ayaa soo saartay warbixinteedii sida joogtada ah ay ugu soo bandhigaysay qiimaha laacibiinta dunida, waxaana meel hoose kaga soo baxay Lionel Messi oo hoos uga dhacay halkii lagu ogaa, laakiin Ronaldo oo dhowaan shirkaddan iska xannibay dhaqdhaqaaqeeda oo uu berigii hore la socon jiray, ayaa gebi ahaanba ka maqan tobanka sare.

Afarta horyaal ee Bundesliga, Premier League, Ligue 1 iyo LaLiga ayaa dhamaan liiska tobanka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan dunida wada qaatay, waxaana ka maqan horyaalka Serie A oo ay joogaan ciyaartooyo badan oo magac leh sida Ronaldo iyo Lautaro Martinez oo ay kooxo badan doonayaan saxeexiisa.

Shan ka mid ah tobanka ciyaartoy waxay ka ciyaaraan horyaalka Ingiriiska ee Premier League, labada horyaal ee LaLiga iyo Ligue 1 ayaa min laba ciyaartoy kasoo galeen, halka uu xiddiga tobnaad ka yimid horyaalka Bundesliga.

Halkan kaga bogo liiska tobanka laacib iyo qiimeyaasha ay suuqa ka taagan yihiin:

10. Antoine Griezmann (Barcelona). 120 million euros

9. Jadon Sancho (Borussia Dortmund). 120 million euros

8. Leo Messi (Barcelona). 140 million euros

7. Kevin de Bruyne (Manchester City). 150 million euros

6. Harry Kane (Tottenham). 150 million euros

5. Mohamed Salah (Liverpool). 150 million euros

4. Sadio Mane (Liverpool). 150 million euros

3. Neymar Jr. (Paris Saint-Germain). 160 million euros

2. Raheem Sterling (Manchester City). 160 million euros

1. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain). 200 million euros