Waa Kuma Reinier Jesus Da’yarka Cusub Ee ay Real Madrid Lasoo Wareegtay

Waa Kuma Reinier Jesus Da’yarka Cusub Ee ay Real Madrid Lasoo Wareegtay
Real Madrid ayaa ku dhawaaqday in ay lasoo wareegtay ciyaaryahanka reer Brazil ee Reinier Jesus oo ay kala soo wareegeen kooxda Flamingo, ka dib markii ciyaaryahanka uu soo gabgabeeyay da’da sharciga ah ee uu ugu wareegayay kooxda Real Madrid. Kooxda Cadcadka waxay la meel dhigtay dhiggeeda reer Brazil Flamengo inay bixiso 30-ka milyan oo Euro ah Kaa so lagu burburinayay qandaraaskiisa kooxda. Reinier Jesus Qandaraaska uu u saxeexay kooxda Real Madrid  ayaa soconaya lix xilli ciyaareed iyo bar oo ka bilaabaneysa bisha Janaayo wuxuuna dhamaan doonaa dhamaadka 2026- 2027. Xiddigan ayaa ka ciyaara booska kubad sameeyaha ama “Play Maker” , waxaana uu ka daba ciyaaraa weeraryahanka tooska ah. Real Madrid ma ahayn kooxda kaliya ee xiiseyneysa inay hesho adeega xiddigan, sidoo kale waxa jiray kooxo badan oo la dhacsanaa qaab ciyaareedka xiddigan. Waxaa xusid mudan in Rainier Jesus uu ka qayb galayo tartamada is reeb-reebka ee ciyaaraha Olympics-ka Tokyo isagoo matalaya xulka Samba.