Waa kuma Pablo Mari

Waa kuma Pablo Mari

Waa 26 jir u dhashay dalka Spain, wuxuuna ka cayaaraa daafac dhexe, wuxuuna ku cayaaraa lugta bidix.

Wuxuu tan iyo 2016 ka tirsanaa kooxda Man. City kahor inta uusan xilicayaaredkii hore si rasmi ah ugu biirin kooxda reer Brazil ee Flamengo.

Waxa uu caruurnimadiisa kubada kasoo bilaabay kooxda RCD Mallorca, wuxuuna kulankiisii ugu horeeyey ee Laliga saftay asagoo 17 jir ah. Wuxuu 3 sano kadib ku biiray kooxda Gimnastic halkaas oo uu 100 kulan ugu saftay kooxda reer Catalonia.

Heshiiska ay Arsenal kusoo qaadatay Pablo Mari waa mid amaah ah oo uu ku jiro dooq iibsasho ah.