Waa Kooxdee Kooxda Raadinaysa Virgil Van Dijk u Ciyaara Kooxda Liverpool.

Waa Kooxdee Kooxda Raadinaysa Virgil Van Dijk u Ciyaara Kooxda Liverpool.
Waa Kooxdee Kooxda Raadinaysa Virgil Van Dijk u Ciyaara Kooxda Liverpool.

Wargeyska kasoo baxa England ee The Sun ayaa shaaca ka qaaday war aan u wanaagsanayn dhagaha jamaahiirta Liverpool kaddib markii uu ka faalooday damaca ay Juventus ka qabto daafaca kooxdaas ee Virgil Van Dijk.

Juventus ayaa aaminsan xaqiiqada ah in Van Dijk uu raadin doono loolan cusub haddii uu Liverpool kula guuleysto horyaalka xilli ciyaareedkan waxaana ay isha ku hayaan inay markale daafaca dunida ugu qaalisan ka dhigaan.

Tan iyo markii uu u dhaqaaqay Anfield, Virgil ayaa ka caawiyay Reds inay ku guuleystaan UEFA Champions League, UEFA Super Cup iyo koobka kooxaha aduunka halka ay qarka u saaran yihiin horyaalkoodii ugu horreeyay 30 sano.

Van Dijk ayaa sidoo kale usoo tartamay abaalmarino badan oo shaqsi ah oo ay ugu waaweyn yihiin xiddiga sanadka ee qaarada Yurub oo uu ku guuleystay iyo inuu kaalmaha labaad ka galay FIFA The Best iyo Ballon d’Or,

“Kaddib markii uu koobab badan kula guuleystay Liverpool, Juventus waxay ku fikiraysaa inuu diyaar u noqon doono loolan cusub dhammaadka xilli ciyaareedkan, Gaar ahaan inuu UK ka ciyaarayay dhawr sano” Ayay The Sun u xaqiijisay il ku dhaw Juve.

Hadalka werwerka ku abuuri karaya jamaahiirta Liverpool ayaa ah mid uu Van Dijk sheegay toddobaadkii dhawaa oo uu ku qirtay inuu doonayo rumaynta riyooyinkiisa oo dhan.

Van Dijk ayaa wakhtigaas yidhi “28 jir ayaan ahay imika, Waxaan doonayaa inaan rumeeyo riyo kasta oo aan abid lahaa, Noloshu waxay noqon kartaa mid gaaban, Waayahaaga ciyaareed wuxuu noqon karaa mid sidoo kale gaaban.