Waa Kooxdee Kooxda Ay Liverpool Uga Shakisan Tahay In Ay Ceebaysay?

Waa Kooxdee Kooxda Ay Liverpool Uga Shakisan Tahay In Ay Ceebaysay?

Maalmihii la soo dhaafay waxay maamulka Liverpool u ahayd maalmo adag kadib markii ay dib uga laabteen go’aan ay hore u shaaciyeen oo ay mushaarkii shaqaalaha kulamada ku joojiyeen si ay uga faa’iidaystaan mashruuca ay dawlada UK abuurtay.

Waxaa soo baxay war lagu shaaciyay in maamulka Liverpool ay fadeexadii iyo eedayntii badnayd ee go’aankan kaga timid ku tuhunsan yihiin koox ay xifiltamaan oo Premier league ah.

Wargayska The Athletic ayaa shaaciyay in maamulka kooxda Liverpool ay u cadhaysan yihiin kooxaha Premier League maadaama oo ay markii hore si xog ilaalin ah ay uga wada xaajoodeen waxa ay guud ahaan ka yeelayaan shaqaalihii kulamada maamuli jiray iyo mushaar joojintooda oo ay ka wada hadleen.

laakiin markii ay Liverpool sabtidii ku dhawaaqday in ay shaqaalihii kulamada ee kooxdeeda mushaarkii ka joojinayso si ay uga faa’iidaysato masharuuca uu sameeyay Chancellor Rishi Sunak ee dadka shaqo la’aantu ku dhacdo mushaarkoodii dawalada UK ku siinayso.

Intii ayna Liverpool ku dhawaaqin go’aankii ay shaqaalaha aan ciyaarin ee kooxdeeda mushaarka kaga joojisay ayay kooxo Premier league ah kawada xaajoodeen in go’aankan ay wada qaataan laakiin maamulka Reds ayaa koox gaar ah oo aan la magacaabin balse lagu tilmaamay koox ay xifiltamaan uga shakiday faafinta xogtii ay isla qaateen.

Laakiin sida xogtan lagu sheegay Liverpool ayaa aaminsan in koox ay xifiltamaan oo Premier league ahi ay dusisay xogta faah faahinta qorshihii ay mushaarka Reds kaga joojisay shaqaalaha aan ciyaarin ee kooxdeeda, taas oo markii ay Reds eedayn aan xad lahayn la kulantay ay go’aankeedii badashay.

Laakiin lama shaacin kooxda ay maamulka Liverpool ugu cadhaysan yihiin in ay xogta sirtoodii ay ka wada hadleen sida qarsoodiga ah ku bixisay inkasta oo tuhunku u badan yahay kooxaha Manchester City iyo Manchester United kuwaas oo qaatay go’aan ka duwan Liverpool kii ay eedaynta kula kulantay.

Madaxa fulinta Liverpool ee Peter Moore ayaa shalay raali galin ka bixiyay go’aankii ay kooxdiisa Reds shaqaalaha mushaarka kaga joojisay wuxuuna balan qaaday in sidii hore ay mushaarka u sii bixin doonaan.

Sida uu wargayska The Athletic shaaciyay waxay madaxda Anfield aaminsan yihiin in koox wayn oo Premier league ah oo ay markii hore si is aaminaad xogeed leh ay iskula xaajoodeen ay kaga baxday warkii oo ay waliba faah faahintii gudbisay.

Mulkiilaha kooxda Liverpool ee John W Henry, gudoomiye Tom Werner iyo madax waynaha shirkada FSG ee Mike Gordon ayaa la sheegay in ay amakaag iyo lama filaan ku noqotay eedayntii ay kula kulmeen go’aankii ay qaateen waxayna u arkeen in ay ahayd eedayn cadaalad daro ah.

Go’aanka ay Liverpool kaga laabtay shaqaalihii kooxdeeda ee ay mushaarka ka joojisay waxa uu culayska ku wareejiyay kooxaha Tottenham, Newcastle United iyo Bournemouth oo hore shaqaalahooda kulamada mushaarkii ka joojiyay si ay masharuuca dawlada UK uga faa’iidaystaan sidoo kale waxa uu go’aanka Reds culays ku yahay haddii kooxo kale ay talaabadii hore ee mushaar joojinta raaci lahaayeen.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay maamulka Liverpool arkeen eedayntii taageerayaasha kooxdeeda iyo kubbada cagta England kaga timid iyo go’aankii Manchester City ay sida rasmiga ah ugu dhawaaqday go’aan ka badalan kii Reds ayaa isniintii Liverpool ku dhawaaqday in ay go’aankii hore ka laabatay.